3 qof ayaa ku dhimatay magaalada NICE ee koonfurta dalka Faransiiska kaddib markii nin uu tooreey weeraray goob kaniisad ah.
Ninka weerarka geystay ayaa ku qeylinayay Allahu Akbar sida ay sheegeen booliska, waxaana uu qoorta ka jaray qof dumar ka hor inta uusan weerarin Kaniisad ku taala magaalada NICE
Duqa magaalada NICE Christian Estrosi ayaa weerarkan ku tilmaamay mid argaxiso, wuxuuna sheegay in boolisku xireen, isaga oo dhaawac ah qofkii weerarka fuliyay.
Waxaa la xiray aaga uu wararka ka dhacay halkaas oo iminka ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka ah ee la dagaalama argagaxisada iyo boolis fara badan .
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa aaday magaalada si uu xaalada ula socdo.