Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 15, 2021
in Wararka
0
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN

Muqdisho, Maarso 14, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna bulshada iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Malaaq Yuusuf Cabdiyow Macallin Aadan oo caawa ku geeriyoodey magaalada Baydhabo.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

August 10, 2025
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

August 10, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed ka soo gudbiyey marxaladihii adkaa, isaga oo door weyn ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, xasilloonida, dib u heshiisiinta bulshada iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka nabadda ee xal u raadinta dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Malaaq Yuusuf Cabdiyow Macallin Aadan oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka bulshada Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Baydhabo. Malaaqu waxa uu ka mid ahaa tiirarka nabadda iyo dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Marxuumku waxa uu qayb ka ahaa dadaalladii dowlad dhiska iyo nabadaynta Dalkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

Previous Post

Munaasabad lagu maamusayay Sanad guurada isbitaalka guud ee degmada Balcad oo lagu qabtay magaalda Balcad “SAWIRRO”

Next Post

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN.

Next Post
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

August 10, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

August 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan laga fuliyay deegaanka Warta...

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

August 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday hirgelinta Adeegga Diiwaangelinta Madaniga ah...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Ciraaq

August 10, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socda dalka Ciraaq,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In