Muwaadiniin Soomaaliyeed, ayaa xalay Dhimasho iyo Dhaawac loogu gaystay Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan Xaafadda Strand.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa geeriyooday halka labo kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Allha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed ee dhintay ayaa lagu magacaabi jiray C/rashiid Axmed Sheekh.
Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Cape Town, waxaana falkaasi geystay sida la sheegay kooxo burcad ah oo doonayay in ay dhacaan Dukaankooda.