Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay eu qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki, ayaa maanta kulan ku yeeshey Muqdisho.
Labada ma’suul ayaa ka wadahadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin, wajiga labaad ee howlgalka gobalada dalka looga xoreynaayo maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabaab ee ay waddo dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirka iyo ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay, ayaa ka wadahadlay sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka si ciidanka Qalabka ee Soomaaliyeed ay awood ugu yeeshaan sugidda ammaanka dalka.