Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga oo Shiinaha kala hadlay cusbooneysiinta Is-afgaradka Kalluumeysiga ee kala dhexeeya dalkaas.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Kalluumeysiga oo Shiinaha kala hadlay cusbooneysiinta Is-afgaradka Kalluumeysiga ee kala dhexeeya dalkaas.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya mudane Fei Shengchao ayaa kala hadlay cusbooneysiinta Is-afgaradka ee u dhexeeya wasaaradda iyo Iskaashatada Kalluumeysi dalkaas.

Kulanka labada mas’uul ayaa xoogiisa looga hadlay dib u cusbooneysiinta Is-afgaradka (MoU) ee u dhexeeya wasaaradda iyo Iskaashatada Kalluumeysi ee Shiinaha (COFA), kaas oo horseedaya in dowladda Shiinaha ay si dhow ula shaqeyso dowladda Federaalka iyo in ay kaalin wax ku’ ool ah ka qaataan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

April 15, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta iskaashiga kallumeysiga labada dal, dib u eegidda heshiisyada Kalluuumeysi ee horay ugu dhexeeyey wasaaradda iyo shirkadaha Kalluumeysi ee Shiinaha, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo in dowlada Shiinaha ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa u sheegay danjiraha in Soomaaliya ay diyaar u tahay in soo dhaweyso dhammaan dhinacyada daneynaya in ka Kalluumeystaan Soomaaliya, isaga oo xusay in ay waajib ku tahay dhammaan niyacyadaas in ay ilaaliyaan shuruucda dalkeenna uga yaalla Kalluumeysiga iyo la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa sheegay in iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya ee kallumeysiga uu mar walba ahaa mid waafaqsan shuruucda kallumeysi ee dalka, iskaashatooyinka kalluumeysi ee Shiinahana ay yihiin kuwa qiimo u leh dalka, isagoo intaas ku daray in wasaarada Kallumeysiga ay soo dhoweyneysaa islamarkaana adkaynaysaa xiriirkan iyo iskaashiga kaas oo labada

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo 45 katirsan khawaarijta ku dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

Next Post

Hantidhawraha Qaranka oo sheegay inaan si wanaagsan loo maamulin lacagaha ay qabteen Safaaradaha qaar ee Soomaaliya

Next Post
Hantidhawraha Qaranka oo sheegay inaan si wanaagsan loo maamulin lacagaha ay qabteen Safaaradaha qaar ee Soomaaliya

Hantidhawraha Qaranka oo sheegay inaan si wanaagsan loo maamulin lacagaha ay qabteen Safaaradaha qaar ee Soomaaliya

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

April 15, 2026
0

Xildhibaanada haweenka ah ee ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), oo ay hoggaamineyso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In