Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka oo 45 katirsan khawaarijta ku dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka oo 45 katirsan khawaarijta ku dilay howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadoda Caalamiga ah oo hawlgal Qorshaysan 5-tii bishan ka fuliyay deegaanka Qoob Yaxaaas oo qiyaastii 80 km dhanka galbeed kaga beegan degmada Buule-Burde ee gobolka Hiiraan ayaa halkaas ku dilay 45 dhagarqabe oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Sargaal ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo nala hadlay ayaa sheegay in Hawlgalka lagu beegsaday xarun wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka, isagoo intaas ku daray in xilliga uu hawlgalku dhacayay Goobta uu shir uga socday Koox Khawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Related posts

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026

Xaruntaan ayaa lagu daweynayey in ka badan 110 ka mid ahaa maleeshiyaad iyo horjoogayaal ku dhaawacmay howlgallada ka socda gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe, Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo jiifay ilaa 30 teendho oo si KMG ah loogu dabiibayay sida aan xogta ku helnay.

Horjoogayaasha halkaas ku sugnaa oo gaaraya ilaa 10 Khawaarij ah ayaa la sheegay in ay ka arrinsanayeen maareynta dhaawacyada halkaas lagu haayay oo ay ku jireen kuwa qabo dhaawacyo halis ah un baahnaa gar-gaar ka badan kan meesha loogu haayay sida uu nala wadaagay sargaalka ka tirsan Xoogga Dalka ee nala hadlay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor Dhuusamareeb u gaaray dhammeystirka dagaalka looga xoreynayo khawaarijta Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta Qaranka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb ka bilaabay kulamada Abaabulka Dadweynaha ee Xoreynta Dalka “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga oo Shiinaha kala hadlay cusbooneysiinta Is-afgaradka Kalluumeysiga ee kala dhexeeya dalkaas.

Next Post
Wasiirka Kalluumeysiga oo Shiinaha kala hadlay cusbooneysiinta Is-afgaradka Kalluumeysiga ee kala dhexeeya dalkaas.

Wasiirka Kalluumeysiga oo Shiinaha kala hadlay cusbooneysiinta Is-afgaradka Kalluumeysiga ee kala dhexeeya dalkaas.

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
0

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In