Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid, ayaa xalay ka qayb galay Kulan dadweyne oo shacabka magaalada Dhuusamareeb ay ku weydiiyeen su’aalo ku saabsan dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Mudane, Ciid ayaa sheegay in DFS iyo Galmudug ay isla garteen in la sameeyo howlgal ka baaxad weyn kii hore, hadafkooduna uu yahay in argagixisada laga sifeeyo, si gaar ah degmooyinka Gal-hareeri, Ceel- buur, Bacaad weyn, Shabeelloow, Caad iyo Camaara.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025

Cali Daahir Ciid, Maxaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in hadafkooda koobaad, labaad iyo Saddexaadba uu yahay amniga, nabad gelyao la’aanna uusan jirin wax horumar ah, isagoo dul istaagay in dagaalka khawaarijta dalka ay iyagu hormuud u yihiin, dhul baaxad leh oo ay ka mid tahay Caasimaddana ay ka xoreeyeen argagixisada iyagoo kaashanaya dadka deegaanka.

Mudane, Ciid ayaa sheegay in ay socdaan dedaallo ay beeluhu ku garab istaagayaan Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug, iyagoo soo bandhigaya malleeshiyaad ka qayb qaata cirib tirka khawaarijta, isagoo xusay in degaannadii la xoreeyayna ay ka hirgeliyeen laamahii namniga iyo adeegyadii bulshada, si ay dib ugu soo laabato noloshii caadiga ahayd ee bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid, ayaa sheegay in Khawaarijtu ay isaga baxeen deegaanno badan markii ay maqleen howlgalka xooggan ee iyaga kusoo wajahan, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Qaranka , isagoo intaa raaciyay inuusan wax badan ku qaadan doonin soo afjaridda nabad-diidka.

Previous Post

Dagaallo ay dad badan ku dhinteen oo dib ugu qarxay Suudaan

Next Post

Xubin ka mid ahaa Khawaarijta Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga dalka

Next Post
Xubin ka mid ahaa Khawaarijta Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga dalka

Xubin ka mid ahaa Khawaarijta Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

December 17, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo ka jirta deegaanada maamulkaasi....

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In