Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee W/Warfaafinta oo faray shaqalaaha Wasaaradda inay qeyb ka noqdaan dagaalka khawaarijta 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee W/Warfaafinta oo faray shaqalaaha Wasaaradda inay qeyb ka noqdaan dagaalka khawaarijta 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dakxiiska Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay qeyb weyn ka qaadaneyso dagaalka lagula jiro khawaarijta, Isagoo shaqaalaha kula dar-daaramay in ay sii xoojiyaan howsha ay u hayaan Qaranka oo ay ka mid tahay dagaalka lagula jiro khawaarijta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, ayaa hadalkaan ka sheegay shir maanta la isugu yimadeen guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya,halkaa oo uu Agaasimaha ugu sheegay sida ay muhiimka u tahay in khawaarijta lagula dagaalamo dhinaca Warabaahinta iyo Sugaanta oo looga baahanyahy Hobollada Waabari nuuc kasta oo sugaan ah in ay khawaarijta kula dagaalamaan.

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026

“qof kasta oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta waa in uu ka qeyb qaadato dagaalka iyo farrimaha lagula dagaallamayo Khawaarijta “ayuu yiri Agaasime Cabdullahi Xayir Ducaale

Sidoo kale agaasmiha ayaa faray in qof kasta oo ka shaqeeyo Wasaaradda Warfaafinta in looga baahan yahay in si maalin la’ah bartiis uu ugu qoro erayo lidi ku ah khawaarijta oo ay kamid tahay lacagaha baada ah,iyo sida ay uga been sheegaan  khawaarijtu Diinta Islaamka, iyadoo aanan wax been ah lagu dareen.

Waxaa uu tilmaamay sidoo kale Agaasimaha Guud ee Warfaafinta  in waax walba Agaasimaheeda iyo shaqaalahaba lagula xisaabtami doono in maalin walba qof walba laga fiirin doono in Bartiisa Fecbooka uu ku qoray erayo kooban oo Bulshada loogu sheegayo ficilada guracan ee kooxda khawaarijta ah.

Agaasimaha Wakaaladda Waranka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA) Ismaciil Mukhtaar Cumar (Oronjo), ayaa oo kamid ahaa mas’uuliyiinta goobta ka hadashay  ayaa sheegay in shaqaalaha iyo guud ahaan maamulka Wasaaradda ay diyaar u yihiin Dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

“Dhammaanteen waxaan diyaar u nahay Jihaadka ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka socda”sidaa waxa yiri Agaasimaha Wakaaladda SONNA

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadka deegaanka ayaa wada dagaal ka dhan ah khawaaijta, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud muddo ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb si uu u dar-dargaliyo howlgalada guud ahaan dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Previous Post

Director of SoDMA receives medicine and medical equipment donations

Next Post

DG Abdullahi Hayir: Ministry of Information takes huge role in the fight against the Al-Shabaab terrorists

Next Post
Agaasimaha Guud ee W/Warfaafinta oo faray shaqalaaha Wasaaradda inay qeyb ka noqdaan dagaalka khawaarijta 

DG Abdullahi Hayir: Ministry of Information takes huge role in the fight against the Al-Shabaab terrorists

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

August 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa dalka Masar, Badr Abdelatty, ayaa Talaadadii khadka taleefanka wada-hadal ku...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

August 19, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐧𝐣𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐲𝐚

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In