Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo kulan la yeeshay safiiradda dalalka Algeria iyo Congo ee Ethiopia

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo kulan la yeeshay safiiradda dalalka Algeria iyo Congo ee Ethiopia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa kulamo kala duwan la qaatay safiirada dhiggiisa ah ee Jamhuuriyadaha Congo iyo Algeria ee dalkan Ethiopia kuwaas oo kala ah Amb. Daniel Owassa iyo Amb. Mohamed Lamine Laabas.

Danjiraha Soomaaliya Mudane Warfaa iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Congo mudane Daniel Owassa ahna madaxa Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa ayaa kulankooda kaga arrinsaday xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo sidoo kale isla qaatay in Jamhuuriyadda Congo ay garab buuxa ku siinayso Jamhuuriyadda Soomaaliya iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Africa gaar ahaan Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada, si looga dhabeeyo loona fuliyo qorshaha salka ku haya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si buuxda amniga dalka oo dhan ugala wareegaan ciidamada ATMIS.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

October 16, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025

Docda kale, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Warfaa iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacbiga ah ee Algeria ee dalkan Ethiopia mudane Mohamed Laabas ayaa shirkooda kaga wada hadlay kobcinta iyo kor u qaadista xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria, iyadoo danjire Lamine uu ballan qaaday in Dawladdiisu ay Soomaaliya si joogto ah ugala shaqayn doonto la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Safiir Cabdullaahi Warfaa ayaa dhigiisa Algeria uga mahad celiyay sida ay Dawladdiisu mar kasta garab istaag soo jireen ah ugu muujiso Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay Algeria ku sugan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo waxbarasho iyo ganacsiba ku haysta dalkaas.


Previous Post

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo siweyn loogu soo dhaweeyay Degmada Jawiil 

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan Farsamo oo ku saabsanaa Amniga

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan Farsamo oo ku saabsanaa Amniga

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay kulan Farsamo oo ku saabsanaa Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray xubnaha Soomaaliya lu matalaya Baarlamaanka Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Soomaaliyeed ee maanta ay Golaha Shacabka ee...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In