Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, H.E. Ahmed Mohammed Almowallad, waxaana ugu horreyn safiirka uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu hambalyeeyey doorashadiisii xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, H.E. Ahmed Mohammed Almowalla ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah, walaaltinimada iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed










