Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay mas’uuliyiin ka socotay hay’adda NIS Foundation.
Kulanka, oo uu goobjoog ka ahaa Wakiilka NIS Foundation ee Soomaaliya, Mudane Qaasim Gabow Ducaale, ayaa looga arrinsaday arrimaha hortabinta u leh Wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada xasilinta, dib-u-heshiisiinta iyo dedaallada wadajirka ah ee nabad-dhiska.











