Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumda Soomaaliya ayaa kahadashay waxyaabihii u qabsoomay sanadkii lasoo dhafay, iyadoo dhanka kale ugu digtay dad lagu sheegay in ay donayaan boobka dhulka Wasaaradu leedahay.
Shirkan jara’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Agaasimaha Guud Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Mudane Cabdulaahi Xayir Ducaale ayaa waxa uu kaga warbixiyay waxqabadka tan iyo bishii February ee sanadkan, isagoo xusay inay ka midtahay dejinta siyaasadda warshadaha dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay, sahminta warshadaha dowladda ee ku yaalla caasimadda difaacidda dhulkii warshadaha oo lagu hayo boobka iyo dajinta siyaasadda dhulkii lagu hagi lahaa, laguna maareyn lahaa dhulkii Warshadaha dowladda.
“Madaxda Wasaaraddu waxa ay ka qeyb galeen shirar ka kala dhacay bishii April ee sanadkan dalalka Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo looga hadlayay tayada beecadaha dalka laga keenayo, waxay kaloo ka qeyb galeen shir looga hadlayay maalgeshiga Afrika oo bishii April lagu qabtay dalka Morocco, waxay ka qeyb galeen furitaanka carwada caalamiga ah ee Expro Milano ee dalka Talyaaniga, kaasi oo ahaa bishii May ee sanadkan” ayuu yiri Agaasimaha guud.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaancsiga iyo Warshaha ayaa hoosta ka xariiqay in bishii June ay kormeer indho indheyn ah ku tageen Warshadda dharka ee Balcad, kaasi oo ahaa mid ay ugu kuurgalayeen, isagoo intaa ku daray inay jiraan sharciyo ay meel mariyeen.
“Wasaaradda Ganacsiga waxay dib u habeen ku sameeysay sharciyo ay diyaarisay, kuwaasi oo kala ah, Sharciga maalgashiga shisheeye, Sharciga liisamada ganacsiga iyo Warshadaha iyo Sharciga sumadaha iyo calaamadaha” ayuu yiri Agaasimuhu oo hadalkiisa ku daray “Wasaraddu waxey casriyeesay liisamada Ganacsiga iyo warshaddaha oo ay ka dhigtay mdi casri ah [Computerized system], waxeyna diyaarisay ololaha hirgelinta liisamada oo dakhli badan lagu soo xareynayey, waxaana iska kaashaday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Ganacsiga iyo Ciidanka ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha Booliska”..