Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Akhriso khudbadda Wasiirka Xanaannada Xoolaha ee ku saabsan Ansixinta Istaratiijiyadda Qaranka ee Caafimaadka Xoolaha iyo Dhirta iyo Badqabka Cuntada 

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Barnaamijyada, Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo soo xiray shirka ansixinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee caafimaadka Xoolaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa farxad weyn ii ah in ay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa ay idinku casuunto kulankan latashiga ah ee aan uga hadleyno Istaratiijiyadda Caafimaadka Xoolaha iyo Dhirta iyo Badqabka  Cuntada.

Sida aad la socotaan hagaajinta iyo buuxinta habraacyada caalamiga ah ee badqabka cuntada keliya muhiim u aha istaraatiijiyaddaan, balse waxey muhiim u tahay badbaadada Caafimaadka Bani’aadamka, wax soo saarka xoolaha, Dhirta. sidoo kale in ay Soomaaliya galangal u yeelato suuqyada caalamiga ah islamarkaana ay Soomaaliya ka qeyb gasho tartanka suuqyada caalamiga iyadoo aan walwal laga qabin Cafimaadka Xoolaha iyo waxa kayimaada.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Geeska Afrika wuxuu qani ku yahay xoolaha nool, ayadoo ay jirto baahi weyn oo ah dhinaca Suuqagga bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika,  oo aad ugu dhow geeska Afrika, dhoofka Xoolaha nool iyo Hilika Soomaaliya ee baahida weyn looga qabo waddamadaasi aan kor ku soo sheegnay ayey kor uqaadaysaa samaynta  Istaraatiijiyaddaan ayadoo xooga saareyso badqabka cuntada iyo Caafimaadka xoolaha iyo  dhirta

Mudanayaal & Marwooyin Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa waxaa ka go’an sidii dhakhaatiirta Caafimaadka xoolaha ay uxakamyn lahaayeen cudurada ka yimaada Xoolaha iyo Uuntooda si loo helo Cunto Badqabta, haddana waa inay la shaqeeyaan dhaan saamileyda Silsilada Cuntada sida kuwa goobta Waxsoo saarka, kuwa dhoofiya, kuwa Dibadda ka keena iyo kuwa suuqa u iib geeya

Muadanayaal & Marwooyin waxaa nalooga baahan yahay in aan la imaano aragtiyo wax ku ool ah kana faa’ideysano diyaarinta Istaraatiijiyaddani waayo waxa aad hadda ku biirisaan strateejiyadan ayaa berito laga fulinayaa dalka, sidaa daraadeed waa in aan xooga saarnaa wada hadalka ku aaddan Istaraatiijiyaddani si ay ugu horseeddo dalka isku filnaasho dhaqaale iyo caafimaad, waayo in lagu dadaalo badqabka cuntada waxey horseedeysaa bulsho caafimaad qabta, Shaqo abuur Dhalinyaro Shaqaale oo tayeeysan iyo kobac dhaqaale oo dalka oo dhan ah.

Wasaaradda waxey uga mahad celineysaa Hay”adda IGAD qeybteeda deeganada Reer Guuraaga iyo Horumarinta Xoolaha IGAD/ ICPALD diyaarinta

Istaraatiijiyaddani ayagoo latashi la sameynayo saamileyda ay quseysa arrintani islamarkaana ay hogaamineysay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda federaalka ee Soomaliya, waxaan kaloo uga mahad celinayaaa doorka ay ku leeyihiin qaban qaabada shirkan lagu ansixinayo istraatiijiyaddani, waxey qeyb ka noqoneysaa Istaraatiijiyadda Badqabka iyo Fayadhowrka Cuntada ee wadamada IGAD.

Ugu dambeyntii waxaan u mahad celinayaa hay’adda USAID oo runtii si joogta ah u taageerta  barnaamijyada lagu horumarinayo Xoolaha & waxsoosaarkooda haddana maalgelisay diyaarinta istaraatiijiyaddani.

Waxaan kaloo u mahad celinayaa dhamaan ka soo qeyb galayaasha wasaaradaha Federaalka iyo agaasimayaasha guud wasaraddaha Xanaannada Xoolaha ee dhamaan Dowlada Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, sida ay labadaan maalmood uu muujiyeen ka go’naashahooda ah in ay dhameystiraan oo ansixiyaanna Istaraatiijiyaddaan.

MAHADSANIDIIN

Previous Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo soo xiray shirka ansixinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee caafimaadka Xoolaha “SAWIRRO”

Next Post

Labo kamid ah raggii loo haystay kiiskii Caa’isha Ilyaas oo maanta lagu toogtay Boosaaso

Next Post
Labo kamid ah raggii loo haystay kiiskii Caa’isha Ilyaas oo maanta lagu toogtay Boosaaso

Labo kamid ah raggii loo haystay kiiskii Caa'isha Ilyaas oo maanta lagu toogtay Boosaaso

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In