Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay Jaamacadda RAF ee dalka Kenya “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay Jaamacadda RAF ee dalka Kenya “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munsabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ilaa 107 arday oo ah dufacdii 4 aad ee ka qalin jebisay jaamacada Raaf oo ka dhacday Xarunta Jaamacadaasi ay ku leedahay  magalada Kajedho  ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirssan dowlada Kenya oo ay ka mid ahaayeen wasiirka dhalinyarada,ciyaaraha iyo fanka ee fanka ee Kenya Xasan waariyow,Abubakar Ogle oo ka tirsan Baarlamanka Bariga Africa,Afhayeenkii hore ee baarlamanka kenya farax macalin Safiirka Safaarada Suudaan iyo kan sacuudiga ee kenya Senatarada laga Soo doorto Ismaamulka Waqooy bari ee kenya ee wajiir iyo Gaarisa,Culimaa udiin aad u farabadan waalidiin iyo marti sharaf kale.

Ardayda ka qalin jebisay Jaamacada islaamiga ah ee raaf oo u badnaa Soomaali isla markaana ka kala yimid magaalooyinka Nairobi iyo mombasa ayaa waxay isugu jireen  26 gabdhood oo ka qalinjebiyay kuliyada tarbiyada iyo 36 dhameysatay kuliyadaha waxbarashada iyo Darasadka islaamka iyo 60 kale oo iyaguna ka qalin jebiyay kulinyada Sharciga.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Madaxa jaamacada RAF Sheekh Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa waxa uu ka warbixiyay ujeedka munaasabada isagoona ka warbixiyay Kuliyado Cusub oo ay kusoo kordhinayaan Jaamacaasi.

“Meeshan maanta waxan isugu nimid inan u hambalyeyno Ardayda Kuliyada Sharciga oo ka yimid magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa,kulada kuliyada daratadka islaamka Ardayda kuliyada trbiyada hablaha muslimaadka ee ka qalinjebiyay ayaan u nimid inaan shahaadooyinkoodii gudoonsiino.

waxaa sidoo kale jira kuliyado cusub oo aan soo kordhinay waxan u fursay mastar oo suudaan ay nasiineyso,waxana hada u fureynaa PHD oo ay nasiineyso Suudaan oo iyadana Suudaan nasiisay”

Masuuliyiintii ka qeyb gashay Munaasabada oo Qudbado bogaadin ah ka jeediyay halkaasi ayaa waxay si weyn ula dar daarmeen Ardayga ka qalin jebisay Jaamacada RAF iyagoona sidoo kale uga mahadceliyay Masuuliyiinta Safarada Suudan iyo Sacuudiga deqaha waxbarasho oo ay Siiyaan Ardayda wax ka barata Dalkani Kenya.

Afhayeenkii hore ee Baarlamanka Kenya Farax Macalin oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka hadlay Munasabada ayaa waxa uu dar daaran usoo jeediyay Ardayda isagoona baaq u diray Culimaa udiinka Soomaaliyeed.

“Culimada Soomaaliyeed hadan Soomaali nahay waanu bur burnaye war Culimooy heshiiya,dhalinaradiina wax soo baratayna waxan idin leeyahay waxan rabnaa inaad wax qiimo leh kusoo kordhisaan nolosheena iyo musliminta wadanka iyo guud ahan gobalka”

Gaba gabadii Munaasabada ayaa waxaa halkaasi shahaadooyinkooda lagu guusiiyay Ardaydii qalin jebisay oo dufcadii  4 aad ee ka qalinjebisa Jaamacada Rafi iyadoo  ay horay uga qalin jebyeen in ka badan 300 oo Arday oo dhameystay kuliyadaha kala duwan ee jaamacaasi.​

IMG_7619 IMG_7624 IMG_7626 IMG_7629 IMG_7643 IMG_7648 IMG_7657 IMG_7680 IMG_7721 IMG_7733 IMG_7745

Previous Post

Prmier Bank oo laan cusub ka furay Suuq-bacaad+SAWIRRO

Next Post

Heshiis nabadeed oo ay gaareen beelo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose

Next Post
Heshiis nabadeed oo ay gaareen beelo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose

Heshiis nabadeed oo ay gaareen beelo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In