Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo howlgallo ka sameeyay Gobolka Bakool

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dagaal ka dhacay Ceel guduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa ay howllo lagu baacsanaayo nabad diidka Al-shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool ee Koofurta Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta Sideedaad ee Ciidamada Qalabka-sida ee Soomaaliya, Cali Maxamed Siciid oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay fuliyeen howlgallo la iskugu furaayo wadooyinka gobolka Bakool oo baryahaan danbe ay jidgooyooyin dhigteen maleyshiyaad ku labisan dareeska ciidamada dowladda, waxa uuna sidoo kale xusay in ciidamada ay si gaar ah u ugaarsanayeen maleyshiyaad ka tirsan haraaadiga Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada gobolka Bakool ee Koofurta Soomaaliya.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxa ay isbuucyadaan wadeen howlgallo isdaba joog ah oo la iskugu furaayo wadooyinka gobolka Bakool. Sidoo kale howlgallada ciidamada ayaa waxaa lagu ugaarsanayay haraadiga nabad diidak Al-shabaab ee ku dhuumaaleysanayo deegaanada Bakool, waxa ayna ciidamada ay howlkooda ku soo qabteen horjooge ka tirsan Shabaab oo ku sugnaa maagaalada Waajid ee gobolka Bakool” ayuu yiri, Taliyaha Qeybta Sideedaad ee Ciidamada Qalabka-sida ee Soomaaliya, Cali Maxamed Siciid.

Howlkaan ayaa waxa uu ka mid yahay howlgallo is xig xiga oo lagu ugaarsanayo kooxaha lidka ku ah midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalka.

Previous Post

Dagaal beeleed dib uga bilaawday magaalada Beledweyne

Next Post

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaal beeleedka ka socdo Beledweyne

Next Post
Odayaal dhaqameed xabad joojin kala dhex dhigay maleehiyaad ku dagaallamay Beladweyne

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaal beeleedka ka socdo Beledweyne

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In