Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DAAW0 SAWIRADA:- Dufacadii ugu horaysay Arday Soomaaliyeed oo Suudaan deeqo waxbarasho ka heshay oo Khartoum Gaaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
DAAW0 SAWIRADA:- Dufacadii ugu horaysay Arday Soomaaliyeed oo Suudaan deeqo waxbarasho ka heshay oo Khartoum Gaaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In ka badan 100 Arday oo deeq waxbarasho ka helay Dalka Suudaan ee aan walaalaha nahay ayaa gaaray Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan.

Ardaydan soo si diiran loogu soo dhaweeyay Airport-ka Caalamiga ah ee Magaalada Khartoum ka mid ahaa Madaxdii Soo dhawaysay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Ibraahin Guure Maxamed, Uqabsanaha Waxbarashada Safaaradda Cabdiqaadir Maxamuud Cali Guulane, Uqaybsanaha Warfaafinta Safaaradda Fiidow Maxamuud Fiidow, Gudoomiyaha Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan iyo madax kale oo jaaliyad iyo Aqoonyahano isugu jira.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Qaar kamid ah Madaxda soo dhawaysay Ardayda oo banaanka hore ee Airporka Khartoum kula hadashay ayaa dhamaan u sheegay in lagu  soo dhaweenayo Wadankoodii labaad oo aysan dariimi doonin inta ay Suudaan jooga qurbo oo ay yihiin Dadka Suudaanta ah dad aad u wanaagsan oo jecel walaalahood Soomaaliyeed.

Uqaybsaha Waxbarasha Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan Cabdiqaadir Guulane oo Radio Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in ardaya tiradooda tahay 107 arday kuwaas oo ka mid ah Ardaydii heshay deeqda waxbarasho ee sanadkan Suudaan ka heshay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Uqaybsaha ayaa aad ugu mahadnaqay Wasiiradda Waxbarashada Drs. Khadar Bashiir Cali oo ku sheegay in ay dadaal dheer ku bixisay sidii ardaydan ay Suudaan ku imaan lahaayeen kana shaqaysay in Diyaarad toos ah usoo kirayso oo Muqdisho to Khartoum ahayd midaas oo aysan wax dhib ah kala kulmin ardayda safarkooda.

qaar kamid ah Ardayda deeqda waxbarasho heshay ayaa aad ugu mahadnaqay boqolaalkii Arday iyo Madaxdii ka socotay Safaaradda ee sida diiran usoo dhaweeyay dareesiiyayna in walaalo ku leeyihiin gudaha Dalka Suudaan.

DSC02597 DSC02598 DSC02600 DSC02601 DSC02603 DSC02604 DSC02605 DSC02606 DSC02607 DSC02608 DSC02610 DSC02611 DSC02613 DSC02614 DSC02616 DSC02619 DSC02623 DSC02624 DSC02627 DSC02628 DSC02630 DSC02631 DSC02632 DSC02633 DSC02636 DSC02639 DSC02643 DSC02645 DSC02647 DSC02648 DSC02650 DSC02657 DSC02659 DSC02662 DSC02665 DSC02668

Previous Post

Isbadal Dhinaca Siyaasadda oo ka dhacaya Suuriya

Next Post

Dagaalkii Baladweyn oo Heshiis laga Gaaray “SAWIRRO”

Next Post
Dagaalkii Baladweyn oo Heshiis laga Gaaray “SAWIRRO”

Dagaalkii Baladweyn oo Heshiis laga Gaaray "SAWIRRO"

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In