Dadka reer Ivory Coast ayaa maanta u dareeraya goobaha cod bixinta, si afti loogu qaadao Dastuurka cusub ee uu yeelanayo dalka Ivory Coast.
Madaxweeynah dalka Ivory Coast Alsan Wataara ayaa ku adkeeysanaya isbeddelka lagu sameeynayo destoorka waddanka Ivory Coast in uu noqonayo dastoorkaasi mid ka saaraya dhibaatada iyo deganaasho la’aanta ka jirta dalkaasi Ivory Coaast.
Dalka Ivory Coast ayaa soo maray ciriiri dhinacyada dhaqaalaha iyo amaanka, ka dib markii doorashooyin kal hore ay ka dhaceen.
Mucaaradka dalka Ivory Coast ayaa diidan aftida laga qaban qaabinayo dalka, waxaana ay ku tilmaameen aftidaasi maanta oo Axada laga qadayo dadweeynaha dalkaasi in ay tahay mid uu ku doonayo Madaxweeynaha AL Hassan Wataara in uu isaga sii haaysto awoodda iyo talada dalka Ivory Coast,
waxaana mucaaradka Ivory Coast ay ugu baaqeen taageerayaashooda in gabi ahaanba la qaadaco aftidaasi ka dhaceeysa dalka Ivory Coast.
Hogaamiyaha dalka Ivory Coast Al Hassan Wataara ayaa kulan balaaran ku qabtay xarunta dalkaasi Ivory Coast ee Abijan,waxaana uu kulankaasi ka sheegay in aftidan la qaadayo ay tahay mid dalka ka saareeysa dhibaatooyinka dhaqaale iyo midda amnigaba.