Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta waa calaamadda burburkooda(WARBIXIN)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 1, 2023
in Wararka
0
waa kuma Suxufiga dhabta ah?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Calaamaddaha lagu garto Kooxi marka ay burubureyso ama ku jabto dagaal ayaa waxaa ka mid ah:- Khilaaf, Iscaasin, ismaqli-waa, kala dhuumasho iyo kala shaki, waana astaanta ugu waaweyn, waxaana hadda laga warinayaa inay Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ay dhammaan qodobadaasi ay ay isku haystaan, waxaana ka hadlay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Maxamed Biixi Tahliil, wuxuuna sheegay in Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada ah ee Khawaarijta ay hadda soo food saartay cabsi, wel-wel, Argagax, murunno xoog leh, is eedeyn, kala dambeyn la’aan iyo qaar kaloo badan, taasi waxa ugu wacan jabka ay kala kulmeen Jiidaha Dagaalka oo looga awood roonaaday.

Taliyaha waxa uu hadalkaasi ka sheegay goob fagaar ah ee uu kula hadlayay Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgallada ka dhanka ah khawaaarijta ee ka socota dalka,isagoo sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howlgallaadasi lana sii laba jibbaari doono dagaalka lagula jiro khawaarijta,wuxuuna tilmaamay in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea qeyb ka ahaa, dhawaan soo gaareen dalka, ayna qeyb ka noqon doonaan howlgallada socda, si khawaarijta looga ciribtiro guud ahaan dalka.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

”Ciidankii tababarka ku maqnaa Xooggiisu dalka ayuu soo gaaray, dagaalka Khawaarijta ayuu ka qeyb galayaa waxaa la soo baray si cadawga loola dagaalamo wayna idinla howlgalaayaan dhawaan,” ayuu yiri taliye Biixi, isagoo hadalkiisa sii watana  ayaa sidoo kale ciidamada kula dar-daarmay in ay wanaajiyaan hab-dhaqankooda iyo tan bulshada, qof walbana lagu abaal marin doono sida ay uga qeyb qaadato dagaalka dalka looga ciribtirayo  khawaarijta Al-shabaab.

Dagaal u dhexeeya kooxda Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaan hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ka baxsaday deegaanka Dabagalo oo doonayey inay isu dhiibaan ciidanka dowladda ayay maleeshiyo kale ku dagaalameen agagaarka magaalada Camaara ee gobolka Mudug, Dagaalka oo socday ilaa iyo hal saac ayaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa 7-ka tirsan maleeshiyada, iyadoo Qof goob jooge ah uu SONNA u sheegay inuu arkay maleeshiyada qaar ka mid ah oo la soo xirxiray, iyaga oo gaari saran, taasina waxay noqoneysaa calaamad weyn oo muujinaysa sida kooxdan argagixisada ah ay ugu jabtay dagaalada ka dhanka ah, islamarkaana  aysana sii jiri doonin.

Kooxada khawaarjita ayaa hadda mareysa meeshii ugu dambeysay bur-burkooda kadib markii, dhexdooda katafatay, taas oo muujineyso dhammaadka kooxdan, waxaana la soo warinayaa in uu dagaal dhex maray Maleshiyaadka ka wada tirsan Kooxda argagixisada ah eek u sugan Deegaanno hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, Dagaalka ayaa waxa uu ka danbeeyay ka dib markii maleeshiyaad ku dhow horjoogaha lagu magacaabo Muxudiin Daqare ay magaalada dhinac uga baxeen, ayagoo ka gadoodsan horjoogayaal kale oo jooga magaalada, waxaana ay isku dayayeen in ay ka goostaan dhulka ay Khawaarijtu joogaan, iskuna dhiibaan Ciidamada Soomaaliya, si ay naftooda ugala fakadaan, maadamaa la isku yimid oo meel lagu fakado aan la arkeyn.

Horjooge lagu magacaabo Nuunaale oo la sheegay inuu yahay horjoogaha haysta kooxda ay ugu yeeraan Jabhadda ka dagaalama Deegaanada Xarardheere ayaa la sheegay inuu amray in xoog lagu hor istaago maleeshiyaadka Khawaarijta ee baxsadka ahaa, waxaana intaasi ka dib qarxay dagaal socday mudo saacad ah oo labada dhinac ee Khawaarijta uu khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahba uu ka soo gaaray, iyadoo Ruux ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Wakaaladda SONNA uu u sheegay inuu arkay maleeshiyaad ku geeriyooday dagaalka, kuwa ku dhaawacmay dagaalka iyo maleeshiyaad la qabtay oo la isku xir xiray laguna tuurayo Gawaari Dagaal.

Ku dhowaad 10-ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku geeriyootay dagaal ka dhex qarxay Khawaarijta dhexdooda oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, waxaana Ilo xog ogaal ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen dagaalka markii uu dhacay ka dib in Khawaarijtu amaro cusub ay ku soo rogeen maleeshiya iyo Horjoogayaasha Khawaarijta ah ee jooga magaalada Xarardheere iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug, amaradaasna waxaa ka mid ah:-

  1. In Gaadiidka nuuc kasta oo ay haystaan khawaarijta aanan laga dhaqaajin karin halka uu yaalo, ilaa amar danbe. Ayagoo ka baqdin qaba in Gawaarida ay haystaan lala goosto oo lala aado dhanka Ciidanka Dowladdu ku sugan yihiin.

2.In Maleeshiyo iyo Horjooge kasta ah oo Khawaarij ah halka lagu ogyahay uusan ka tagi Karin, iyagoo kala ilaalinaya in horjoogayaasha inay isku gudbaan, maadaama qaar laga shakisan yahay ay ku jiraan.

Wararka ka immaanaya Xarardheere ayaa sheegaya in dagaalkaan uu dareen ka dhex abuuray magaalada, madaama Horjoogayaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee dagaalamay ay labaduba ka soo jeedaan deegaan ahaan gobalka Mudug, waxaana jirta tan iyo markii ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed ay u kaceen inay iska dulqaadaan Khawaarijta dooxatada iyo dhiig miiratada ah, lagana saaray in ka badan 50 magaalo ayaa wuxuu wal-wal iyo walaac xooggan soo wajahay horjoogayaasha khawaarijta ah.

Haddaba su’aasha ayaa ah maxaa keenay inay dhexdooda uu dagaal gacan ka hadal uu dhexmaro Kooxda Khaaarihta ah?, su’aashaasi jawaabteeda ayaa ah mid fudud oo si sahlan loo heli karo jawaabteeda, waxayna tahay in Maleeshiyaadka Kooxda iyo Horjoogayaashoodaba ay ku jabeen Dagaalkii dhinacyada badnaa ee ka koobnaa mid dhinaca Militariga ama Ciidan oo aad looga itaal roonaaday, mid dhinaca Dhaqaalaha ahaa oo laga soo xirxiray meelihii ay lacagaha ka abuuri jireen ama u soo mari jirtay iyo midka Fikirka ama wacyigalinta ku aadan maxay diintu ka qabtaa Kooxda, taasi oo lagu sheegay inay tahay ama loogu yeero magaca Khawaarij, ayaa waaxaa soo wajahay, islamarkaana uu ka soo muuqdo calaamadaha marka ay Kooxi burburayso, taasi oo ah  Khilaaf, Iscaasin, ismaqli-waa, kala dhuumasho iyo kala shaki, waana astaamaha ugu waaweyn.

Waxaa kaloo muuqda in ay kaga soo dhammaaneyso joogitaankooda Maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, maadaama horey looga saaray Maamulka Hieshabeelle, hadana lagu guda jiro dib u xoreynta Deegaanada ka tirsan Gobolada Galguduud iyo Mudug oo ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug ayaa waxaa soo food saaray cabsi weyn, islamarkaana ay bilaabeen inay kala shakiyaan, kilaafna soo kala dhexgalo, leysna aamini waayo, waxaana jirta in aysan kala amar qaadan, waxayna markaasi keyneysaa in la kala dhuunto, arrimahaasi ayaa muujinaya koox burburkeed.

Waxaa diyaariyay C/laahi Ruush

Previous Post

Shacabka Marka oo soo dhoweeyay dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta

Next Post

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha xilka baneynaya ee Itoobiya

Next Post
Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha xilka baneynaya ee Itoobiya

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha xilka baneynaya ee Itoobiya

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In