Friday, January 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Diyaaaradda Qatar Airways oo si rasmi ah u bilowday duulimaadyo toos ah Muqdisho iyo Doxa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Diyaaaradda Qatar Airways oo si rasmi ah u bilowday duulimaadyo toos ah Muqdisho iyo Doxa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaaradda Qatar Airways ayaa maanta duulimaadyo joogto ah ka bilowday Muqdisho iyo magaalada Doxa  ee caasimadda Dalka Qatar, xilli ay kordhayaan Diyaaradaha Caalamiga ah ee duulimaadyada tooska ah ka sameeynaya Soomaaliya.

Diyaaradda Qatar Airways oo garoonka Aadan Cadde fadhida

Munaasabaddii daah furka duulimaadyada Qatar Airways oo Muqdisho iyo Doxa oo todobaadkii saddex jeer isaga kala gudbi doonta waxaa ka qaybgalay Wasiiro, Xildhaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Qaar ka mid ah Safiirada Caalamka ujoogo Soomaaliya, Ganacsato iyo marti Sharaf kale oo aad u badan.

Related posts

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026

Soomaaliya oo dib u soo kabanaysa ayay maamulka Qatar Airways u arkaan inay ka jiraan fursado badan, Ihaab Imaan Ku-xigeenka  Shirkada Diyaaradaha Qatar Airways, isla markaana hogaaminayey ganacsato ka socotay Dalkiisa oo Muqdisho soo gaaray ayaa tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin in maanta ay hirgeliyaan duuliyaadyo toos ah.

Ma aha oo kaliya Qatar Airways diyaaradaha caalamiga ah ee Soomaaliya danaynaya xilligan, taas oo ku timid adeegga garoonka diyaaradaha Muqdisho oo sare loo qaaday iyo dib u kabashada dalka, waxaana jirto dowlado kale oo caalami ah kuwaasi oo doonaya in shirkadahooda diyaaradaha ay keenaan Soomaaliya, si ay halkan uga bilaabaan duulimaadyo joogto ah.

Qatar Airways

Qatar Airways waxay ka mid noqonaysaa tiro diyaarado heer caalami ah oo horay  duulimaadyo Muqdisho uga bilaabay sida Air Jabuti, Turkish Airline,  Ethiopian Airline iyo kuwa kale, waxaana dhawaan ku soo xigo doona Air Uganda oo wafdi horu dhac ah u soo dirtay Soomaaliya.

Qatar Airways  waxa ay ka ka midtahay diyaaradaha rakaabka ee ugu casrisan dunida, duulimaadyana ku tagta  in ka badan 160 dal,  waxayna tani Soomaaliya u leedahay ahmiyad dhaqaale iyo isu socod labada dal ah.

Qatar Airways
Previous Post

Munaasabad lagu Xusayay 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Kampala “DAAWO SAWIRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Qaar Kamid Ah Haweenka Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Qaar Kamid Ah Haweenka Magaalada Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Qaar Kamid Ah Haweenka Magaalada Dhuusamareeb "SAWIRRO"

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo deegaanka ayaa maanta jab xooggan gaarsiiyey kooxda Khawaarijta ah, kadib markii ay isku dayeen inay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026   1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026

January 2, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026   1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u...

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

January 2, 2026
0

Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Qurbo joogta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In