Sunday, February 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda F. Soomaaliya oo Shaacisay Xogtii ugu dambeysay ee Qasaaraha qaraxii Soobe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda F. Soomaaliya oo Shaacisay Xogtii ugu dambeysay ee Qasaaraha qaraxii Soobe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  Xukuumadda Soomaaliya Mudane Abdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ayaa soo bandhigay Xogtii ugu dambeysay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay inay korortay Tirada dhimashada isagoona sheegay inay hada mareyso 281, halka dhaawaca ku dhawaad uu marayo 300, Wuxuuna sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay bixisay lacag gaareysa Hal Milyan oo Dollar oo lagu caawinayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay qaraxaasi.

Related posts

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

February 8, 2026
Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

February 8, 2026

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowlada Qatar ay diyaarad u soo dirtay Magaalada Muqdisho, taas oo lagu qaadi doono Dhaawacyada culus, iyadoo la geyn doono dalka Suudaan halkaas oo lagu daweyn doono, waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya dowlada Qatar.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Asluubta Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay inuu bixiyay lacag dhan 2,000 oo Dollar, uu ugu tala galay inuu kaga qeyb qaato gurmad loo sameynayo dadka waxyeelada soo gaartay.

Previous Post

Wadamada Faransiiska iyo Canada iyo Dalal kale oo looga boroordiiqayo Qarixii Soobe

Next Post

Dowladda Mareykanka oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Next Post
Dowladda Mareykanka oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Dowladda Mareykanka oo Cambaareysay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO MASAR OO YEESHAY KULAN MIRO-DHAL AH

February 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar waxa uu wada-hadallo miro-dhal ah...

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ka qeybgalay Caano-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed

February 8, 2026
0

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo wafdi ballaaran...

Madaxweynaha JFS oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweynaha JFS oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(QAHIRA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyn meeqaamkeedu sareysay loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Al-Itixaadiya ee...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Danab oo fuliyay hawlgal ka dhan ah Khawaarijta

February 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA HOOSE):-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa fuliyay hawlgal bartilmaameed ah oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In