Tuesday, March 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Shiinaha oo 10 Milyan oo dollar Soomaaliya u soo marsiisay Hay’adda WFP

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda Shiinaha oo 10 Milyan oo dollar Soomaaliya u soo marsiisay Hay’adda WFP
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxa Barmaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada WPF ee Soomaaliya, safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliyo iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Dowladda Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa goobta lagu wareejinayay deeq lacag oo gaareysa Toban Milyan oo Doolar (10,000,000$) oo Dowladda Shiinaha ay ugu tala gashay dadka Soomaaliyeed oo ay abaarta saameysay ,iyadoo si toos ah deeqdaas lacagta ah loo soo marsiinayo Barnaamijka Cunada Aduunka ee WFP.

U qeybsamaha Barnaamijka Cunada Aduunka WFP ee Soomaaliya Laurent Bukera ayaa sheeegay in WFP ay mudo badan caawineysay dadka Soomaaliyeed, kuwooda caawinta u baahan, hadana ay diyaar u tahay in ay sii wado.

Related posts

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

March 17, 2026
Wasiirka Cadaaladda XFS oo  lagu soo dhaweeyey UK

Wasiirka Cadaaladda XFS oo lagu soo dhaweeyey UK

March 16, 2026

“Marka hore waxaan rabaa inaan u mahad celiyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ka turjumay sida shacabka Shiinaha ay mar walba u garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed ayna ka taageeraan dhinaca gargaarka beni’aadanimo, anaga WFP ahaan waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno caawinta dhinacyada kala duwan leh oo aan mar walba la garab taaganahay dadka Soomaaliyeed ,deeqdan lacagta ahna waxa loogu tala galay in lagu caawiyo dadka aadka u liita ee ay abaarta saameysay sida haweenka iyo  caruurta kuwooda ay nafaqa darida heysato”.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian ayaa sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen oo dhinacyo kala duwan leh islamarkaana Dowladda Shiinaha mashaariic kala duwan ay ka fulisay Soomaaaliya hadana ay diyaar u tahay in ay sii wado ,waxaana safiirka sidoo kale uu sheegay in Dowladda Shiinaha iyo Shacabkeeda oo iskaashanaya ay mar walba diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dadka soomaaliyeed ee abaarta saaameysay

“Lacagtan waxaan ugu tala galnay dadka abaarta saameysay gaar ahaan dhinacyada nafaqa darida  ,waxaana rajeyneyaa in ay qeyb ka qaadato caawinta dadka soomaliyeed oo ay abaarta saameysay,waaana sii wadeynaa taageeradda dadka soomaaliyeed iyo dowladooda”.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyina Dowladda Soomaaliya Drs Maryam Qaasim Axmed oo u mahad celisay Dowladda Shiinaha oo deeqdan lacagta ah soo dhiibtay iyo WfP oo lasoo marsiiyay ayaa sheegtay in ay wax badan ka tari doonto baahida dadka ay abaarta saameysay.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyina ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed ee jooga gudaha dalka iyo dibadiisa iyo sidoo kale beesha Caalamka in ay gar gaaraan dadka ay abaarta saameyn ku yeelatay.

Previous Post

Kulan lagu xoojinayay xiriika jaaliyada Soomaaliyeed iyo laamaha amaanka Koonfur Sudan oo lagu qabtay magaalada Juba.

Next Post

Kulan Su’aallo lagu weydiinayo Ra’iisul Wasaaraha oo caawa ka socda xarunta Villa Hargeysa “SAWIRRO”

Next Post
Kulan Su’aallo lagu weydiinayo Ra’iisul Wasaaraha oo caawa ka socda xarunta Villa Hargeysa “SAWIRRO”

Kulan Su'aallo lagu weydiinayo Ra'iisul Wasaaraha oo caawa ka socda xarunta Villa Hargeysa "SAWIRRO"

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaaraan oo caawa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee tartanka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo  lagu soo dhaweeyey UK

Wasiirka Cadaaladda XFS oo lagu soo dhaweeyey UK

March 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin, oo safar shaqo ku jooga United...

Somali Leaders Honor Fallen Soldiers and Celebrate Military Gains During Ramadan

Somali Leaders Honor Fallen Soldiers and Celebrate Military Gains During Ramadan

March 16, 2026
0

The Ministers of Defense, Ahmed Moallim Fiqi; Education, Culture and Higher Education, Farah Sheikh Abdulkadir; Transport and Civil Aviation, Mohamed...

SoDMA, South West Ministry Launch Emergency Food Aid for Drought-Affected Families in Baidoa

SoDMA, South West Ministry Launch Emergency Food Aid for Drought-Affected Families in Baidoa

March 16, 2026
0

The Somali Disaster Management Agency (SoDMA), in collaboration with the South West State Ministry of Humanitarian Affairs, today launched the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In