RADIO MUQDISHO:-Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in sanadkaan 2026-ka Soomaaliya ay ka mid noqon doonto dalalka caalamka kuwooda shidaalka soo saara.
Wasiirka Badroolka Iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Daahir Shir Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay sanadkaan bilaabayso qadista ceelashii shidaalka ee lagu helay sahmintii la sameeyay.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in dalka Turkiga ay dalkeenna Soomaaliya iska kaashan doonaan , tilaabada lagu soo saarayo shidaalka dalkeenna, isla markaana lagu qodayo ceelasha shidaalka.
Munaasabad dhawaan ka dhacay Turkiga oo ay ka qayb galeen, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo kan Turkiga mudane Rajab Dayip Erdogan, ayaa lagu shaaciyey inay guulaysatay sahmintii ceelasha shidaalka ee Soomaaliya,tilaabada kale ee xigta ee la qaadayana ay tahay in la bilaabo qodista ceelasha la helay.











