Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo Guddi u saarey Walaaca Culimada ee Sharciga Gender-ka”SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo Guddi u saarey Walaaca Culimada ee Sharciga Gender-ka”SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, June 30, 2016….Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Kulanka Golaha ayaa guud ahaan looga dooday Sharciga Genderka oo dhawaan ay qaar kamid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed dhaliileen qodobo ku jira.

Ra’iisul Wasaare Sharmaarke ayaa soo dhaweeyey culumada sheegayna in Golaha Wasiirada oo wada muslimiin ah aysan diinta gaf ku sameyn karin, sidoo kalena xusey in culumada iyo dawladda muhiim tahay in ay iska arkaan arrimahan oo kale ka hor inta uusan gaarin Saxaafadda.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

September 26, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in si wanaagsan loo dhageysan doono baaqa culumada Soomaaliyeed, lana ogaan doono qaladka ay arkeen.
isagoo xusay in ansixinta xeerka Genderka ka hor la hubiyay in ay san ku jirin qodobo ka hor imaanaya Shareecada Islaamka iyo Qaanuunka u yaala dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa guddi u saarey arrinta la xiriirta Buugga Genderka ee walaaca ay ka qabaan Culimadu, waxana ay guddigan ka wada shaqayn doonaan in la isla eego guud ahaan qodobada uu ka kooban yahay si meesha looga saaro wax walba oo walaac keeni kara.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Majmaca Culimada, ayaa Xukuumada uga mahaceliyay fursada ay u siiyeen in ay Golaha hor yimaadaan, wuxuna tilmaamay in xukuumada ay isku raaceen in diinta la wada ilaalin doono, aadna ay uga xunyihiin sida loo fasirtay bayaankoodii.

—DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

wasiirada iyo culimada (4)

wasiirada iyo culimada (5)

wasiirada iyo culimada (6)

wasiirada iyo culimada (7)

wasiirada iyo culimada (8)

wasiirada iyo culimada (9)

Previous Post

Madaxweynaha oo magacaabay guddiga doorashooyinka

Next Post

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo tababar u furay boqollaal askar booliis cusub ah+Sawirro

Next Post
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo tababar u furay boqollaal askar booliis cusub ah+Sawirro

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo tababar u furay boqollaal askar booliis cusub ah+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

Wasiirka Warfaafinta oo ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Ruushku kasoo qayb galay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xalay ka qaybgalay kulan soo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay maalinta labaad...

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In