Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa loo doortay Xildhibaan Xuseen Iidoow, ka dib doorasho ka dhacday xarunta golaha Aqalka sare.
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka guddigan ayaa loo doortay Senator C/llaahi Sh. Ismaaciil Fartaag, halka Senator Saciid Cabdi Xuseen loo doortay Xoghayaha guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka.
Doorashada waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenada 1-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.