Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha baarlamaanka oo Kampala ka furay kulan howleedka diyaarinta qorshayaasha golaha ee kalfadhiga 8aad “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha baarlamaanka oo Kampala ka furay kulan howleedka diyaarinta qorshayaasha golaha ee kalfadhiga 8aad “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda si rasmi ah uga furay maanta kulan howleed ku aadan diyaarinta qorsheyaasha Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo kulankanna lagu marti qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada dalka ka jira qaarkood.

Khudbad uu ka jeediyey furintaanka shirka ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu furan yahay kulan howleedkii 8aad ee lagu diyaarinayo qorshayaasha ama howlaha la doonayo in Baarlamaanka uu qabto Kalfahdiga 8aad ee dhowaan furmi doona hadii uu Alle idmo waxaana uu Guddoomiye Jawaari uga mahad celiyey Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed kasoo qeybgalka shirkan.

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlayey Howlaha ugu muhiimsan ee la doonayo in Kalfadhiga 8aad uu qabto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in shaqada ugu muhiimsan ay tahay dhameystirka dib u eegista Dastuurka Dalka taasina looga baahan yahay Baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka ka jira iney gacan weyn ka geystaan taasi oo aheyd qodob ka mid ah is afgarad ay magaalada Muqdisho ku gaareen Guddoomiyeyaasha Golayaasha sharci dejineed ee dalka.

Kulan howleedkan oo kale ayaa la qabtaa mar kasta oo uu soo dhow yahay furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya balse waxaanan kulanka kasoo qeybgalin markan oo aan lagu casuumin hay’adaha taageerra Baarlamaanka oo iyagu horey loo marti qaadi jirey ayadoo taa bedelkeedana la marti qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dowlad goboleedyada dalka ka jira si ay qorshe howleedkan talo ugu yeeshaan balse kulankii Guddoonka Baarlamaanka iyo hay’adaha taageerra ayaa ka dhici doona magaalada Muqdisho horaanta bisha April ee soo socota insha Allah.

Kampala-Retreet-1 Kampala-Retreet-2 Kampala-Retreet-3 Kampala-Retreet-7 Kampala-Retreet-8 Kampala-Retreet-9 Kampala-Retreet-10

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

Madaxweynaha oo warqadihii  ka guddoomay danjiraha cusub ee Russia-Sawirro

Next Post

Madaxweynaha: “Ciidammada maamulka Galmudug cashar lama ilaabaan ah ayay u dhigeen cadowga”

Next Post

Madaxweynaha: “Ciidammada maamulka Galmudug cashar lama ilaabaan ah ayay u dhigeen cadowga”

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In