Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Dalka Uganda oo la caleema saaray “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Dalka Uganda oo la caleema saaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud oo wehliyo  Uqaybsanaha Dhaqanka iyo Waxbarashada Mudane Liibaan Xuseen Deeroow ayaa ka qeyb galay Munaasabad ballaaran oo lagu Caleemo saarayay Gudoomiye xigeenka cusub, Jaamacadda Caalamiga  Bariga Afrika ee Uganda [IUEA] – Ambassador Dr. Amina Mohamed.

Munaasabadda lagu Caleemo Saarayay Guddoomiyaha xigeenka cusub ee Jaamacadda Caalamiga  Bariga Afrika, Amb Dr Amina Mohamed waxaa kasoo qeyb galey Safaaradaha Ardadooda Jaamacadda ku badanyihiin sida Kenya, Eritrea, Sudan, Nigeria iyo Somalia, Guddoomiyaasha  Jaamacadaha kala duwan ee ku yaala Uganda iyo marti sharaf kale.

Related posts

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

March 18, 2026
Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026

Guddoomiyaha cusub ee Jaamacadda Amb. Dr Amina Mohamed ayaa horay xilal ka duwan ka soo qabtay gobalka, iyadoona dowladda kenya mar ka noqotay Wasiirkii Waxbashada Dolwadda Kenya.

Dhanka kale Danjiraha JFS Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) oo wehliyo Liibaan Deerow ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda caalamiga Bariga Afrika.

Kulanka danjiraha iyo ardayda oo ahaa is xogwaraysi, su’aalo ay Ardayda weydinayeen danjiraha, sidoo kalena warbixin ka siiyeen  caqabadaha Ardayda ka heysta Jaamacadda iyo guud ahaan dalkan Uganda.

Ugu dambeyntii Danjire Cali Maxamed Maxamuud ayaa ardayda u sheegay in diyaar u yihiin in caqabadaha haysta ardayda wax laga qabanaayo , Sidoo kalena ka Safaarad ahaan diyaar u yihiin waxii sharci ah ee ardayda xaq u leeyihiin sida shahaadooyinka sax in safaaardau sida ugu dhaqsiyaha badan ugu tasdiiqayso, arinka daganaasha iyo waxii la mid ah ay dowladda Uganda kala hadlayaan, waxii sharcidarro ahna sida shahaadooyinka been abuurka ah aya ka fogaadaam si aysan dhibaayo ula kulmin.

Gabgabadii safiirka iyo ardayda ayaa ku balamay in la qabto kulan weyn oo guud ahaan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalkan Uganda ka soo qeyb galayaan, si cidii su’aalo qabto looga jawaabo,  iska warqabka ardayda iyo safaaraddana joogto u noqoto.

Previous Post

Hay’adda SODMA oo Muqdisho soo gaarsiisy dadkii ku dhaawacmay dagaalka Laascaanood “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada XDS iyo Daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaanno horleh oo ku yaala Mudug

Next Post
Ciidamada XDS iyo Daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaanno horleh oo ku yaala Mudug

Ciidamada XDS iyo Daraawiishta Galmudug oo la wareegay deegaanno horleh oo ku yaala Mudug

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

March 18, 2026
0

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu talagalay Ciidda u qeybiyey hooyooyin iyo carruur ku jira Isbitaalka Xoogga,...

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026
0

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In