Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha Koonfur Galbeed oo ku baaqay in barakacayaasha loo sameeyo xirfado ay ku shaqeystaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xaaladda barakacayaasha Soomaaliya

barakac

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdiqaadir Cali Maxamed Guddoomiyaha guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay qabteen xuska maalinta qaxootiga oo ku beegan 20-ka bishan, balse ay soo hormarsadeen qabsoomidda munaasabaddaas, si wacyigelin loogu sameeyo barakacayaasha ku nool magaalada Baydhabo.

Cabdiqaadir ayaa sheegay in agab caafimaad ay u qaybiyeen barakacayaasha si looga hortago faafidda cudurka COVID-19, ayna u sameeyeen wacyi gelin ku aadan hannaanka looga hortagi karo cudurka.

Related posts

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR, oo ay kala hadleen sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa barakacayaasha ku dhibaateysan qeybo ka mid ah Koonfur Galbeed ee dalka.

“Waxaan kala hadalnay in mashaariic loo sameeyo iyo xal waara barakacayaasha iyo muwaadinta kale ee ka soo laabtay xeryaha qaxootiga dalka Kenya, si ay u noqdaan dad noloshooda maareen karo” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiqaadir.

Mudane Cabdiqaadir cali Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan qoysas badan oo dalka dib ugu soo laabtay, kuwaasi oo ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, isagoo dowladda Federaalka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysato samata bixinta barakacayaasha iyo kuwa kale ee dalkooda dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdiqaadir Cali Maxamed ayaa sheegay in xafiiskooda uu ka warqabo xaaladda ay ku suganyihiin barakacayaasha ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, ayna sameeyaan labadii bil mar kormeer ay ku tegayaan goobaha ay ku noolyihiin barakacayaasha, si ay u helaan xogta dhabta ah iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan qoysaska barakacayaasha.

“Runtii isu socodka waxaa saameyn ku yeeshay COVID-19 oo aysan jirin suurtagalnimada inaan ku tegno goobaha ay joogaan, balse maamulada degmooyinka ayaa kaashanaa helidda xogta iyo xaaladaha ay ku suganyihin, waxaana sameynaa tirikoob ku aadan tirada barakacayaasha iyo haddii ay jiraan kuwa cusub oo ku soo kordhay” ayuu hadalkiisa ku daray Cabiqaadir Cali Maxamed.

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka aysan keenin waxkasta oo ay iyaga rabaan oo kaliya, balse ay ku saleeyaan waxyaabaha ay keenayaan baahiyaha ka jirta deegaannada ay gurmadka ka geysanayaan, lana baro xirfado ay ku shaqeystaan si u maareen mustaqbalka dhaw noloshooda.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Next Post

Taliska booliska oo ka hadlay howlgallo lagu qabtay Askari dil u geystay Aabe Soomaaliyeed iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Next Post
Taliska booliska oo ka hadlay howlgallo lagu qabtay Askari dil u geystay Aabe Soomaaliyeed iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Taliska booliska oo ka hadlay howlgallo lagu qabtay Askari dil u geystay Aabe Soomaaliyeed iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In