Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha Koonfur Galbeed oo ku baaqay in barakacayaasha loo sameeyo xirfado ay ku shaqeystaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xaaladda barakacayaasha Soomaaliya

barakac

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdiqaadir Cali Maxamed Guddoomiyaha guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay qabteen xuska maalinta qaxootiga oo ku beegan 20-ka bishan, balse ay soo hormarsadeen qabsoomidda munaasabaddaas, si wacyigelin loogu sameeyo barakacayaasha ku nool magaalada Baydhabo.

Cabdiqaadir ayaa sheegay in agab caafimaad ay u qaybiyeen barakacayaasha si looga hortago faafidda cudurka COVID-19, ayna u sameeyeen wacyi gelin ku aadan hannaanka looga hortagi karo cudurka.

Related posts

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR, oo ay kala hadleen sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa barakacayaasha ku dhibaateysan qeybo ka mid ah Koonfur Galbeed ee dalka.

“Waxaan kala hadalnay in mashaariic loo sameeyo iyo xal waara barakacayaasha iyo muwaadinta kale ee ka soo laabtay xeryaha qaxootiga dalka Kenya, si ay u noqdaan dad noloshooda maareen karo” ayuu yiri Guddoomiye Cabdiqaadir.

Mudane Cabdiqaadir cali Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay inay jiraan qoysas badan oo dalka dib ugu soo laabtay, kuwaasi oo ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, isagoo dowladda Federaalka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysato samata bixinta barakacayaasha iyo kuwa kale ee dalkooda dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdiqaadir Cali Maxamed ayaa sheegay in xafiiskooda uu ka warqabo xaaladda ay ku suganyihiin barakacayaasha ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, ayna sameeyaan labadii bil mar kormeer ay ku tegayaan goobaha ay ku noolyihiin barakacayaasha, si ay u helaan xogta dhabta ah iyo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan qoysaska barakacayaasha.

“Runtii isu socodka waxaa saameyn ku yeeshay COVID-19 oo aysan jirin suurtagalnimada inaan ku tegno goobaha ay joogaan, balse maamulada degmooyinka ayaa kaashanaa helidda xogta iyo xaaladaha ay ku suganyihin, waxaana sameynaa tirikoob ku aadan tirada barakacayaasha iyo haddii ay jiraan kuwa cusub oo ku soo kordhay” ayuu hadalkiisa ku daray Cabiqaadir Cali Maxamed.

Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka aysan keenin waxkasta oo ay iyaga rabaan oo kaliya, balse ay ku saleeyaan waxyaabaha ay keenayaan baahiyaha ka jirta deegaannada ay gurmadka ka geysanayaan, lana baro xirfado ay ku shaqeystaan si u maareen mustaqbalka dhaw noloshooda.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Next Post

Taliska booliska oo ka hadlay howlgallo lagu qabtay Askari dil u geystay Aabe Soomaaliyeed iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Next Post
Taliska booliska oo ka hadlay howlgallo lagu qabtay Askari dil u geystay Aabe Soomaaliyeed iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Taliska booliska oo ka hadlay howlgallo lagu qabtay Askari dil u geystay Aabe Soomaaliyeed iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In