Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagayey guulaha Shirkadda Hormuud.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Gudoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagayey guulaha  Shirkadda Hormuud.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay ka qeyb galay xafladda dabbaaldegga shirkadda Hormuud oo guulo badan ka gaartay caalamka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Ku-xigeenka Ra’isul Wasaaraha Mudane Salaax Axmed Jaamac, qaar ka mid ah Ra’isul Wasaariyaal hore, Wasiiro, Xidhibaanno, ganacsato iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Ujeedada munaasabada ayaa waxa ay aheyd dhiiragelinta Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf, oo ku guuleystay guddoomiyaha ugu wanagsan ee shirkadaha telefoonada Afrika iyo caalamka, isgoona ku guleystay abaalmarino kala duwan oo ku saabsan waxqabadka shirkadda.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo gunnaanadka xafladda soo xiray ayaa ammaanay doorka shariifka ah ee dalka ka soo qaadatay shirka Hormuud, oo ay ugu horreyso u adeegida shacabka Soomaaliyeed, oo soo maray marxalado kala duwan ee dalka soo maray.

Guddoomiye Sheekh Aadan waxaa uu dul istaagay in shirkaddu kaalin muhiim ah ay ka qaadatay caawinta dadka shacabka, kuwaas oo ka mid ah dhismaha iyo taakuleynta Isbitaalo ku yaala dalka gudihiisa, ka qeyb qaadashda daryeelka caruurta, sida waxbarashada, iyo xiliyada ay jiraan musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhaca dalka.

Previous Post

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka

Next Post

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta kawada degaanno dhaca koonfurta Gobolka Mudug

Next Post
Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta kawada degaanno dhaca koonfurta Gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta kawada degaanno dhaca koonfurta Gobolka Mudug

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In