Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

HA QARSAN DAMBIILAHA!!! “WAA FAALO XIISO BADAN”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Maqaallo, Tubta Toosan, Wararka, Xulashada
0
HA QARSAN DAMBIILAHA!!! {WAA FAALO XIISO BADAN}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

waxeey ahayd maalin kale oo meel madoow ka galaysa taariikhda Soomaalida,waxaan waynay masuuliyiin iyo muwaadiniin ku baxay dhagarta Argagixisada.

maqaalkaan waxaan ku ifinaynaa waxa uu weerarkaan uga dhiganyahay Shabaab, dadwaynaha Somaaliyeed waxa la gudboon iyo saamaynta uu ku reebayo Dawladda Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Argagixisada

haddii aan ku hormaro falkoodii,inagoo dib u eegaynaa ficiladoodii layaab wayn naguma noqonayo waana shaqo maalmeedkooda caadiga ah in sida ardaygu ugu kalaho waxbarashada,ama ganacsaduhu ugu mashquulo suuqa ayay ugu maqanyihiin nuuc kasta oo ay ku waxyeeleen karaan hadba intii ay heli karaan waliba sida ay falalkoodu u kala waxyeello badanyihiin ayay ugu kala muhiimsanyihiin,in ay fuliyaan falal nuucaan oo kala ah waa arki karaa maadaama ay yihiin koox dhamaanteed aan lahayn camal aan ahayn dil waxaana mararka qaar caawinaya in ay gacmaha ay wax ku fuliyaan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo maskaxda laga badalay halka macalimiintu ay yihiin ajaanib noloshoodu ku tiirsantahay meel aan daganayn maadaama ay danbiyo ka galeen dunida deggan.

aan eegno maxeey ku kordhinaysaa kooxda­­­­ oo maalin kasta aan areyno iyagoo dhuminaya dhulkii ay gacanta ku haysay,dhimashada horjoogayaashooda,kala qaybsanaanta dhexdooda ah oo waagii barya badanaynsa iyo badashada inta ka bogsoonaysa cudurka argagixisada

inagoo ku dhisayna weeraradii ay kooxdu horay u fulisay oo aan daawayn dhamaan xaaladaha aan soo sheegnay waxaan dhihikarnaa hal shay unbaay ku kordhinaysaa tani, taas oo ah danbiga ay galayaan unbaay ilaah agti iyo noolaha dunida dareenkooda sii badinaysaa.

Shacabka

Dadka Soomaaliyeed oo ah dhibanayaasha falalka Argagixisada,dhawr siyaabood ayuu weerarkasta u taabtaa dadkeena,1-meelkasta oo ay argagixisadu fal ka fuliso waxaa si toos ah iyo si dadban ugu dhibtooda ha ahaato dhimasho,dhaawac,xarig,sumcad-darro dalka gaarta iyo kuwo kale.

inkasta oo aan hubo in inta badan Soomaalidu ay muujiso nacaybka ay u hayso kooxahaan,hadana waxaan la inkirikarin in fal kasta oo ay maleegayaan kooxdaan uu ka war hayo ugu yaraan hal qof sida milkiilaha goobta lagu diyaarinayo,dariska,ganacsadaha laga iibinayo waxa la isticmaalayo ama xitaa uu qofkeen yaqaano qaar ka mid ah maranhabawsanayaasha lana wadaagin macluumaadka Amniga ha ugayso cabsi,ku qanacsanaan ama  ha is yiraahdo maxaa kaa quseeya haduusan adiga kuu socon hadana aan dhamaanteen milicsano natiijada falka oo haddii uusan maanta ku saamayn aadan ogayn barri waxa dhacaya, waloow aan hubo in qaar badan ay ka shalaayaan marka uu fal ay qarsadeen galaafto qof ay jelaayeen,waxaa kaloo xusuus mudan in aan maskaxda ku hayno qaybta aad ku yeelankarto dunuubta ka dhalata wixii aad qarisay.

hadaba soo nalama gudboona marka aan garawsano xaaladahaan, kuna darno halka ay noo waddo Argagixisadu oo ka bilaabata dil kuna dhamaata dil in aan ku noqono maskaxdeenna si kale haddii aan u dhigno soo madhihikarno soo afjaridda arinkaan waxeey imaanaysaa maalinta aan dhamaanteen noqono ciidamo ka dhan ah falalkaan mar haddii aan dhamaanteen isla garanay in aan nahay dhibanayaal intii aan ka koobnaanlahayn kuwo maanta ku baxa arinkaan,ku dhaawacmay u barooranaya kuwii ay jeclaayeen ama sugaya wadadaas waatii maahmaahdii ahayd gayrkiis loo xiiryoow adna soo qooyso.

dawladda

inteenna ka warqabta dadaalka Dawladda ee ladagaallanka cadawga waan qirsanahay in wax badan laga naafeeyay ku tala galka Argagixisada, tusaalaha ugu yarna waxaan ka dhigayaa bal qiyaas inta qof ee ay doonayaan in ay dilaan Shabaab ka dibna soo qaado inta maleeshiyaad ah ee raadinaya dadkaas ka dibna u qaybi inta ay fuliyaan una fiiri maalinle,kaba soo qaad  in Muqdisho ay maalin kasta diyaariyaan in lasoo dilo 50 qof, miyay sidaas u dhacdaa jawaabto waa maya, libtaa soo ma siinkarno Ciidamada anagoo aan halmaamayn qadarka alaah iyo caawinaada Shacabka,

inkasta oo ay taasi jirto hadana kama saarayso meesha waajibka Dastuuriga ah ee faraya Dawladda in ay sugto amniga muwaadiniinteeda,qaar badan oo naga mid ah marka ay arkaan sida ay Argagixisadu u badbadalayso tabaheeda waxaa markiiba kusoo dhicikarta maa Dawladdu diyaarsato qubaro ayana diyaariya sidii looga hortagilahaa dhagartaas isla markaana daraaseeya hadba meesha aan ka nugulnahay waloow ay macquultahay in ayba jiraan haddaba.

gunaanad

dhamaanteen Dawlad iyo Shacaba mar haddii aan wadanahay dhibinayaal waa in aan muujinaa midnimo,geesinimo maskax,muruq iyo maalna isugu gayno sidii aan uga adkaan laheyn kuwa doonaya in ay nagu hayaan daganaasho la’an, dibna u dhigano waxyaabaha yaryar ee aan ku kala duwanahay inta aan ka adkaanayno cadawga aan midkeenna dhaafayn.

W/D/Cabdi Raxmaan Yuusuf Sheikh Al Cadaala

 

 

Previous Post

La heystayaal udhashay Dalka Thailand oo maanta laga dhoofiyay Galkacyo “Sawiro”

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In