Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay sidii looga hor tagi laha falalka jinsi naceybka oo lagu qabtay dalka Mareykanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay sidii looga hor tagi laha falalka jinsi naceybka oo lagu qabtay dalka Mareykanka  “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kullan ballaaran oo ku saabsanaa sidii looga hor tagi lahaa falalka jinsi naceybka ah oo ku soo badanaya dalka Mareykanka  xilli loo diyaar garoobayo doorasho dalka ka dhacda  ayna ka qeyb galeen laamaha ammaanka, xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota, qaar kamida Imaamyada masaajidda iyo sidoo kale dadka iyagu u dhaqdhaqaaqa bulshada Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota ayaa lagu qabtay xarunta badbaadada dadweynaha ee degmada Hennepin ee gobolka Minnesota.

Andrew Luger oo ah xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota oo kullanka daah furay ayaa sheegay in laama ammaanka gobolka looga baahan yahay labo mas’uuliyadood oo aad muhiim u ah, isla markaana aad u dhib badan, isagoo  cadeeyay in Laamaha ammaanka gobolka looga baahan yahay ilaalinta ammaanka guud ee dadka ku nool Minnesota iyo sidoo kale in bulshooyinka ku nool gobolka  laga ilaaliyo khatarta iyo dembiyada ku saleysan naceyb ka iyo faquuqa.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegey kulanka aan xoogga lagu saarin arrimaha siyaasadda iyo musharaxiinta, maadama lagu guda jiro wakhtigii doorashada, balse intiisa badan kulanka  diiradda lagu saarayo arrimaha ammaanka, cabsida iyo welwelka bulshada Minnesota iyo sidoo kale wada shaqeynta bulshada iyo hay’adaha amniga ee gobolka.

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Richard Thornton oo ah u qeybsanaha Laanta FBI-da ee Gobolka Minnesota, kaasoo si qoto dheer uga hadlay sharciyada iyo qawaaniinta ku saabsan khatarta iyo dembiyada ku saleysan naceybka, isagoo ugu baaqay bulshada in ay ka fogaadaan arrimahaasi oo dhibaatooyin badan ay ka dhalan karto. .

Ugu dambeyntii qaar kamid ah Soomaalidii ka qeyb gashay kullanka ayaa soo dhaweeyay  waxyaabihii ka soo baxay kulankani, ayagoo sheegey  in loo baahan yaha in bulshada muslimiinta ah ee ku nool gobolka Minnesota iney la shaqeeyaan laamaha ammaanka gobolka, isla markaana ay wargeliyaan hadii ay la kulmaan hadallo ama facil ku saleysan naceyb ka dhan ah diintooda Islaamka ama jinsiyadooda.

_MG_3761 _MG_3765 _MG_3766 _MG_3769 _MG_3773 _MG_3776 _MG_3777 _MG_3778 _MG_3783 _MG_3784 _MG_3785 _MG_3786 _MG_3787 _MG_3788 _MG_3797 _MG_3798 _MG_3800 _MG_3804 _MG_3805 _MG_3806 _MG_3808 _MG_3809 _MG_3811 _MG_3812 _MG_3816 _MG_3841 _MG_3842 _MG_3849 _MG_3854 _MG_3875 _MG_3884 _MG_3885 _MG_3894

Liban Hussein

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Dibad bax looga soo horjeeday kooxda monitoring group oo ka dhacay daljirka Dahsoon

Next Post

Dibad bax looga soo horjeeday kooxda monitoring group oo ka dhacay daljirka Dahsoon

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In