Magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa maanta lagu doortay qaar kamid ah Kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas, waxaana aad loo adkeeyay amniga goobta doorashada ay ka dhaceysay.
Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), ayaa kusoo baxay doorashada maanta .Kursi oo sumaadiisa tahay HOP#157, waxaa ku guuleystay oo kamid noqday Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (Qambi) ayaa kusoo baxay Kursi sumaadiisa tahay HOP#227.ee Doorashada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.
Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud (Ameeriko) Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa kusoo baxay kursiga sumadiisa tahayHOP#273.waxowna kamid noqday Baarlamanka Federaaka Soomaaliya ee 11aad.
Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali ayaa ku soo baxday kursiga sumadiisa tahay HOP#234, ee Doorashada Baarlamanka Federaaka Soomaaliya.
Muuse Axmed Ismaaciil ayaa guuleystay kursiga sumadiisa tahay HOP#076 ee Doorashada Baarlamanka Federaaka Soomaaliya.
Cali Mahdi Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa tahay HOP#169, waxowna kamid noqday Baarlamanka Federaaka Soomaaliya.
Maxamed Bashiir Cali ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa tahay HOP#083 , waxowna kamid noqday Baarlamanka Federaaka Soomaaliya.
Cali Xaaji Daahir Saleebaan ayaa ku guuleestay kursiga sumadiisa tahay HOP#220, , waxowna kamid noqday Baarlamanka Federaaka Soomaaliya.
Cabdulaahi Faarax Mire ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay HOP-228 ,waxowna kamid noqday Baarlamanka Federaaka Soomaaliya.
Caynaanshe Yusuf Xuseen ayaa ku guulaystay Kursiga sumadiisa tahay HOP-222. waxowna kamid noqday Baarlamanka Federaaka Soomaaliya ee 11aad.
Maxamed Aadan Diini ayaa ku guulaystay Kursiga sumadiisa tahay HOP-036. waxowna kamid noqday Baarlamanka Federaaka Soomaaliya ee 11aad.
Siciid Cali Muuse ayaa ku guulaystay Kursiga sumadiisa tahay Hop-027 waxowna kamid noqday Baarlamanka Federaaka Soomaaliya ee 11aad.
Sadaam Maxamuud Cabdi ayaa ku guulaystay Kursiga sumadiisa tahay Hop-158 waxowna kamid noqday Baarlamanka Federaaka Soomaaliya ee 11aad.
Yuusuf Xuseen ayaa ku guulaystay Kursiga sumadiisa tahay Hop-083. waxowna kamid noqday Baarlamanka Federaaka Soomaaliya ee 11aad.
Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa ku guulaystay Kursiga sumadiisa tahay Hop-083. waxowna kamid noqday Baarlamanka Federaaka Soomaaliya ee 11aad.
Faysal Axmed Maxamuud ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa tahay HOP#190,waxowna kamid noqday Baarlamanka Federaaka Soomaaliya ee 11aad.
Guddiga hirgalinta doorashooyinka maamulka Puntland ayaa dhawaan shaaciyay musharrixiinta u taagan 16 kursi ee taala magaalada Boosaas, kuwaas oo doorashadooda maanta dhacday.