Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Jubbaland oo bogaadiyay ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaamka Dawliga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Maamulka Jubbaland oo bogaadiyay ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaamka Dawliga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Jubbaland ayaa soo dhoweysay natiijada imtixaanka dawliga ah ee laga qaaday ardada dugsiyada sare dhammaysay sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka ee ay maanta shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya, waxayna hambalyada farxada la wadaageen dhammaan ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaamka gaar ahaan ardayda ka soo jeeda deegaanada Jubbaland.

Agaasimaha Waaxda Tacliinta sare iyo Farsamada Wasaaradda Waxbarashada maamulka Jubbaland Axmed Faarax Cali Aweys oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa marka hore uga mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya xilka weyn ay iska saartay shaqada ay qabatay, ee u soo jeeday Habeenada badan, isagoona marka labaad u hambalyeeyay ardayda Soomaaliyeed oo dhan intii imtixaamka sanad Dugsiyeedka 2019/2020-ka.

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026

“Aad iyo Aad baan ugu faraxsanahay,waxaan horta u mahad celinayaa Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka xilka weyn ayay iska saartay shaqada ay qabata ee u soo jeeday Habeenada badan, marka labaad waxaa u mahad celinayaa ardayda Soomaaliyeed oo dhan intii imtixaanka gashay sanad Dugsiyeedka 2019/20,” ayuu yiri Agaasime Axmed Faarax Cali Aweys.

Sidoo kale, Agaasimaha oo sii hadlaya wuxuu yiri“ Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay haddaan nahay reer Jubbaland guusha weyn ee aynu ka gaarnay imtixaamka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday anaguna aan ku kaalmeyneynay oo aan u fududeyneynay, aad baan ugu faraxsanahay waana soo dhoweyneynaa,”

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Tacliinta sare iyo Farsamada Wasaaradda Waxbarashada maamulka Jubbaland Axmed Faarax Cali Aweys wuxuu dhiiragelin ku aadan iney sii laba jibaaraan dadaalkooda u jeediyay ardaydii sanadkan u suurageli weysay iney ka gudbaan imtixaamka ama baasaan.

Tags: Maamulka Jubbaland oo bogaadiyay ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaamka Dawliga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka+Sawirro
Previous Post

Ciidanka Xoogga dalka oo bur buriyay gaadiid Al-Shabaab ka soo buuxiyeen walxaha Qarxa

Next Post

Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo.

Next Post
Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo.

Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Galmudug oo gaaray Gaalkacyo.

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ee khawaarijtii …..

January 12, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay Keydkii biyaha ay dhigan jireen khawaarijtii laga xoreeyey deegaanka Jilib marka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In