Monday, June 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwaynaha Puntland oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxwaynaha Puntland oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 December 2017  kormeeray xarumaha dawladda ee magaalada Gaalkacyo , isla mar ahaantaana  xarigga ka jaray  sadex waddo oo laami ah iyo dhismaha bangiga dhexe ee magaalada Gaalkacayo.

Dr Cabdiweli ayaa waxaa xarig jarka waddooyinkaasi iyo dhismaha bangiga dhexe ku wehelinayey Guddooyimaha Gobolka Mudug, duqa Degmada Gaalkacayo, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026

Waddooyinka muhiim ka ah ee xarigga laga jaray ayaa waxaa kamid ah waddada Cumar Dheere oo dhererkeedu yahay  1km iyo 140m [ Hal kiloo mitir iyo boqol iyo afartan miter] , waddada Xero-Dayaxay oo dherer keedu yahay 200m [ laba boqol oo Miter], iyo waddada Gaadda Yare oo iyana dherer keedu yahay 2km [laba Kilo Miter ].

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay waddooyinka uu xariga ka jaray ayaa ku tilmaamay inay muhiim u yihiin bilicda iyo horumarka magaalada, waxaana uu mahad balaaran u jeediyey hawlwadeenada Degmada Gaalkacyo oo iyagu hirgeliyey dhismaha waddooyin kani.

Sidoo kale Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo kormeeray dhismaha cisbitaalka weyn ee magalada Gaalkacyo oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah, dhismaha Suuqa xero Dayax, xarunta Wasaaradaa Ganacsiga iyo xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga oo dhismaheedu heer gebo-gebo ah marayo.

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta intii uu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo  waxa uu xariga ka jaray dhismaha cusub ee bangigaga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland  ayaa soo  kormeeray xarunta cusub ee Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo oo dhismeheedu si xawli ah u socdo, loona dhisayo si casri ah taasi oo ka kooban xafiisyo, deegaan iyo  hoolalka shirarka, waxaana dhismeheeda lasoo gebagebayndoonaa bish Labaad ee sanadka cusu ee 2018, waxaana mar uu oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay dhismaha Madaxtooyadu iyo mashaariicda waaweyn ee dawladdu ka hirgelisey magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa uu yidhi.

“Waxaan nimi madaxtooyada magaalada Gaalkacayo waxay kamid tahy mashiircda waaweyn ee kasocota magaalada  Gaalkacayo kuwooda ugu muhiimsan, waxaan kale oo soo booqanay meelo kale aa ay kamid tahay xero Dayax oo ah meeshii aan kadhisnay suuqii waynaa ee Gaalkacyo, waxaan soo marnay dhismihii waynaa e cisbitaalka oo socda, waxaan kale oo soo marnay bankigii oo shaqa fiican ay ka socto oo meel fiican maraya” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Waxaan kale oo soo marnay wadooyin badan oo aan xariga kasoo jarnay, kuwo kalena waan hirgelin-doona Insha Allah, waxaa kale oo kamid ah mashruuciida waa weyn ee aan ka hirgeliney magaalada dhsimaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo hay’adda jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Maaliyadda waxaas oo dhan waxay ahaayeen mashaariicdii aan ka fulinay gobolkan iyo kuwo kale oo tira badan oo aanan soo koobi karin”. ayuu yiri Dr Cabdiweli Gaas.

Ugu danbayn, Madaweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday Islaam Bashiir Islaan Cabdulle, waxaana ay yeesheen kulan gaar ah oo qaatay wakhti kooban.

 -DHAMMAAD-

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Ciyaartoyda Xulka Kubadda Cagta Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo

Next Post

Sweden: Waalidiin ka hadlay mustaqbalka carruurtooda

Next Post
Sweden: Waalidiin ka hadlay mustaqbalka carruurtooda

Sweden: Waalidiin ka hadlay mustaqbalka carruurtooda

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
0

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda,...

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

June 22, 2026
0

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan ee Muqdisho ayaa maanta Howladeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS u sameeyay baaritaan caafimaad oo...

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

Guddoonka Labada Aqal oo ka tashaday furitaanka kalfadhiga 8-aad ee BJFS 

June 22, 2026
0

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay hoyga Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In