Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwaynaha Puntland oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxwaynaha Puntland oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 December 2017  kormeeray xarumaha dawladda ee magaalada Gaalkacyo , isla mar ahaantaana  xarigga ka jaray  sadex waddo oo laami ah iyo dhismaha bangiga dhexe ee magaalada Gaalkacayo.

Dr Cabdiweli ayaa waxaa xarig jarka waddooyinkaasi iyo dhismaha bangiga dhexe ku wehelinayey Guddooyimaha Gobolka Mudug, duqa Degmada Gaalkacayo, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Waddooyinka muhiim ka ah ee xarigga laga jaray ayaa waxaa kamid ah waddada Cumar Dheere oo dhererkeedu yahay  1km iyo 140m [ Hal kiloo mitir iyo boqol iyo afartan miter] , waddada Xero-Dayaxay oo dherer keedu yahay 200m [ laba boqol oo Miter], iyo waddada Gaadda Yare oo iyana dherer keedu yahay 2km [laba Kilo Miter ].

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay waddooyinka uu xariga ka jaray ayaa ku tilmaamay inay muhiim u yihiin bilicda iyo horumarka magaalada, waxaana uu mahad balaaran u jeediyey hawlwadeenada Degmada Gaalkacyo oo iyagu hirgeliyey dhismaha waddooyin kani.

Sidoo kale Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo kormeeray dhismaha cisbitaalka weyn ee magalada Gaalkacyo oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah, dhismaha Suuqa xero Dayax, xarunta Wasaaradaa Ganacsiga iyo xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga oo dhismaheedu heer gebo-gebo ah marayo.

Madaxwaynaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta intii uu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo  waxa uu xariga ka jaray dhismaha cusub ee bangigaga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland  ayaa soo  kormeeray xarunta cusub ee Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo oo dhismeheedu si xawli ah u socdo, loona dhisayo si casri ah taasi oo ka kooban xafiisyo, deegaan iyo  hoolalka shirarka, waxaana dhismeheeda lasoo gebagebayndoonaa bish Labaad ee sanadka cusu ee 2018, waxaana mar uu oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay dhismaha Madaxtooyadu iyo mashaariicda waaweyn ee dawladdu ka hirgelisey magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa uu yidhi.

“Waxaan nimi madaxtooyada magaalada Gaalkacayo waxay kamid tahy mashiircda waaweyn ee kasocota magaalada  Gaalkacayo kuwooda ugu muhiimsan, waxaan kale oo soo booqanay meelo kale aa ay kamid tahay xero Dayax oo ah meeshii aan kadhisnay suuqii waynaa ee Gaalkacyo, waxaan soo marnay dhismihii waynaa e cisbitaalka oo socda, waxaan kale oo soo marnay bankigii oo shaqa fiican ay ka socto oo meel fiican maraya” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Waxaan kale oo soo marnay wadooyin badan oo aan xariga kasoo jarnay, kuwo kalena waan hirgelin-doona Insha Allah, waxaa kale oo kamid ah mashruuciida waa weyn ee aan ka hirgeliney magaalada dhsimaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo hay’adda jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Maaliyadda waxaas oo dhan waxay ahaayeen mashaariicdii aan ka fulinay gobolkan iyo kuwo kale oo tira badan oo aanan soo koobi karin”. ayuu yiri Dr Cabdiweli Gaas.

Ugu danbayn, Madaweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday Islaam Bashiir Islaan Cabdulle, waxaana ay yeesheen kulan gaar ah oo qaatay wakhti kooban.

 -DHAMMAAD-

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Ciyaartoyda Xulka Kubadda Cagta Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo

Next Post

Sweden: Waalidiin ka hadlay mustaqbalka carruurtooda

Next Post
Sweden: Waalidiin ka hadlay mustaqbalka carruurtooda

Sweden: Waalidiin ka hadlay mustaqbalka carruurtooda

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In