Monday, October 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo R/W Xamse dhaqan cusub ayey bilaabeen oo ah in ay u furan yihiin isla-xisaabtan”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 22, 2023
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan “Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo R/W Xamse dhaqan cusub ayey bilaabeen oo ah in ay u furan yihiin isla-xisaabtan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo ka qeyb-galay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ay guul weyn ahayd samata-bixinta dadkeennii Soomaaliyeed ee la dhibaateysnaa abaaraha ka jiray dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in mideynta dadaallada heer Qaran iyo heer caalaami ee la xiriira gurmadka abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada ay suurta geliyeen in dowladda Soomaaliyeed ay xilli adag maareyso caqabadaha amni iyo nololeed, haatanna qorshuhu uu yahay sidii dalka dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Alshabaab.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

October 5, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

October 5, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jamaac iyo guud ahaan Golaha Xukuumadda dadaalka ay bixiyeen muddadii ay magacownaayeen, isagoo ka rajeeyey in ay sii laba-laabaan howl-gudashadooda, si ay u gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed adeegyada ay mudan yihiin.

“Madashan waa ay sii socon doontaa, waxaana shacabka hor imaandoona aniga iyo mas’uuliyiinta kala-duwan ee dowladda, si bulshada Soomaaliyeed ay xog ogaal ugu noqdaan shaqada loo hayo”.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay caqabadaha iyo fursadaha dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna adkeeyey hirgelinta qorsheyaasha horumarka iyo hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kaddib markii dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, lana dhameystiro deyn cafinta iyo qabyo-tirka dastuurka, taas oo ay ugu horreyso in la gaaro isku filnaan dhaqaale iyo nololeed oo lagaga kaaftoomi karo ku tiirsanaanta deeqaha caalamiga ah.

“Dastuurka Soomaaliya dalka dibadiisa looga hadlimaayo.Dastuurku mashruuc ma’ahan ee waa wadadii aan u mari lahayn hagaajinta aayaheena, Hay’adaha dowladda waxaa hor tabin u ah in la dhammeystiro Dastuurka KMG ah sida ugu dhaqsaha badan”.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda soo diyaarinta iyo gudbinta shuruucdii ugu badnayd ee Xukuumad ay ku soo gudbiso 100-kii maalmood ee ugu horreysey, shuruucdaas oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka “Xukuumaddu waxay ku guuleysatay shaqo muuqata oo dalka laga qabtay”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Amiirka magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Amiirka magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Amiirka magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya

October 5, 2025
0

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyay Kismaayo

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(KISMAYO):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal miino-baaris ah ka bilaabay deegaannadii laga xoreeyay Khawaarijta

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA HOOSE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada AUSSOM ayaa maanta hawlgallo miino baaris ah ka wada magaalada Awdheegle...

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda Korontada Qaranka

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo kormeeray xarunta Hay’adda Korontada Qaranka

October 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta kormeer shaqo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In