Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada madaxweynaha oo xarun u sameysay carruurta waddooyinka ku nool

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Marwada madaxweynaha oo xarun u sameysay carruurta waddooyinka ku nool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada madaxweyneha Sahro Cumar Xasan ayaa furtay xarun lagu dhaqan celiyo isla markaana lagu xannaaneeyo carruurta ku nool waddooyinka magaalada Muqdisho ee loo yaqaano Derbe-Jiifka.

Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkaa carruur Soomaaliyeed oo agoon ah ama aan waalidkood la nooleyn oo isticmaalaya waxyaabaha maanka dooriya, isla markaana habeenkii ku hoyana hareeraha waddooyinka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Ciidanka Booliska ayaa howl-gal ay ka sameeyeen magaalada ku aruuriyay qaar ka mid ah carruurtaas oo la geeyay xarunta ay marwada madaxweynuhu u dhistay oo ku taalla degmada Cabdul-Casiis. Carrutu halkaan waxay ka heli doonaan raashin, hooy iyo daawo.

Qaar ka mid ah carruurtan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay guryo heleen, isla markaana la daryeelayo oo ay helayaan raashin iyo dhar ay xirtaan.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Khadar Maxamed Xasan ayaa uga mahadcelisay marwada madaxweynaha mashruucan, ayadoo tilmaantay in wax la bari doono carruurtan oo intooda badan ku jira da’dii ay wax baran lahaayeen.

Marwada madaxweynaha Soomaaliya Marwo Sahro Cumar Xasan ayaa shegtay in bulshada Soomaaliyeed uu waajib ka saran yahay inay badbaadiyaan nolosha carruurtan aan waaliska lahayn ee ku dayacan waddooyinka magaalada.

Waxay sheegtay in xaruntan lagu xannaaneyn doono dhammaan carruurta waddooyinka ku nool, si ay u helaan adeegyada ay helaan carruurta la midka ah sida waxbarasho, caafimaad, hooy iyo raashin. Dhaqaatiir ayaa ka howl galaysa aruntaan si loo ogaado xaaladda xaafimaad ee carruurtan.

Mashruucan waxaa soo dhaweeyay bulshada ku nool magaalada Muqdisho.

Previous Post

Diyaar garowga shirka New Deal-ka ee berri ka furmaya Muqdisho

Next Post

BELEDEYNE: Rug Boolis oo laga furay xaafadda Howl-Wadaag

Next Post
Shirka dib u heshiisiinta Hiiraan oo Nairobi laga taageeray “Sawirro”

BELEDEYNE: Rug Boolis oo laga furay xaafadda Howl-Wadaag

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In