Thursday, January 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marxaladahii uu soo maray Geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Marxaladahii uu soo maray Geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo bilowday sanadkii 2013, wuxuu ahaa mid aanu sahlanayn in uu miro dhalo, balse dadaallo badan oo ay bixiyeen madaxda Dowladda ka dib ayaa lagu guulaysatay in dalkeenna uu ka soo gudubo dhamaan habraacyadii hubinta barnaamijka deyn cafinta heerarkiisi kala duwanaa, waxaana hadda socda u diyaargarowga ku dhawaaqista deyn cafinta Soomaaliya.

Intii uu socday hayaanka deyn cafinta, Soomaaliya waxay muujisay sarre u kac dhanka dakhliga gudaha ah iyo kobc lama filaan ah oo guud ahaan saameeyay dhaqaalaha dalka, taasi oo keentay in Hey’adda lacagta adduunka ay Soomaaliya ku amaanto dadaaladii ay u gashay deyn cafinta iyo sidii ay mid-mid ugu dulmartay Jaran jarooyinkii dhowrka ahaa ee lagu xeray cafinta deymaha bilyiinta Doollar ah ee dalkeenna ay ku leyahiin Dowlado iyo Hay’ado kala duwan.

Related posts

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

January 1, 2026
Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

January 1, 2026

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa  dhawaan shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay dhammaan habraacyadii Barnaamijyadii deyn cafinta ayna kasoo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib u eegista deyn cafinta faracyadisii kala duwnaa.

Hannaanka deyn cafiska Soomaaliya, ayaa soo maray heerar kala duwan, sida hirgelinta afar barnaamij oo lagu xariira deyn cafinta, kuwaasi oo loo yaqaanno “SMPs,” oo lagu daray barnaamijka UCT iyo kulanka gebagebada oo saacado ay naga xigaan, kaas oo ay isugu imaan doonaan madaxda Hay’adaha IMF, dalalka iyo Hay’adaha deymaha ku leh Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane  Biixi Iimaan Cige, ayaa horay u sheegay in Wasaaraddu ay dadaallo dheeri ah ku bixiyeen xoojinta canshuura dalka, taasoo ka mida aheed sababaha keenay inuu dakhliga gudaha kor u kaco, si lamid ah tillaabooyinkii hore ee deyn cafinta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si guud loogu bogaadiyay sida ay u maamushay dib u habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka Maamulka Canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Hey’adda Lacagta Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF, ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay soo gaartay bar-dhamaadka deyn-cafinta “Completion Point ”, 13-ka bishan December, ayuuna qorshaha yahay  in dalkeenna laga cafiyo deymahii lagu lahaa muddada dheer.

Dhameysrirka barnaamijka deyn cafinta ayaa hiigsiga labaad u ahaa Xukuumada Dan Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, marka laga soo tago hiigsiga kowaad oo ahaa xoreynda dalka iyo ciribtirka khawaarijta.

W/Q, Cismaan Maxamuud Faarax.

.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shaaciyay in xafiiskiisa uu hormuud u noqonayo hannaanka Dowladnimada casriga ah

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo si diirran loogu soo dhaweyeyey Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo si diirran loogu soo dhaweyeyey Kismaayo “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug oo si diirran loogu soo dhaweyeyey Kismaayo "SAWIRRO"

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

January 1, 2026
0

Gobolka Mudug waxaa ka taagan abaar daran oo si weyn u saameysay dadka iyo duunyada ku nool deegaanka. Abaaraha socda...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

January 1, 2026
0

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay guddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bisha Janaayo 2026. Tallaabadan...

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

December 31, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq ballaaran u jeedinaysaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee garab-istaagga iyo taageerada buuxa u muujiyay...

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

December 31, 2025
0

Munaasabad kooban oo lagu daahfurayay xarunta cusub ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta ee NIRA ayaa lagu qabtay magaalada Ceeldheer ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In