Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyinta NUSOJ oo ka qeybgashay Aaska labo Weriye oo Muqdisho ku geeriyootay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyinta NUSOJ oo ka qeybgashay Aaska labo Weriye oo Muqdisho ku geeriyootay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta si wadajir ah kala qeyb qaatay bahda warfidiyeenka Soomaaliyeed iyo Telefishinka Universal aaska labo weriye oo u kala shaqeynayay telefishinka universal iyo Idaacadda SBC kuwaasoo ku geeriyooday falkii argagixiso ee ka dhacay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay falka naxariis darada ee lagu dilay Marxuum Maxamed Cabdikarim Macalim oo u shaqeynayay telefishinka Universal iyo Cabdixakim Maxamed Cumar oo ku geeriyooday qarax bambaano oo shalay ka dhacay banaanka Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, halka weriye Salmaan Saciid uu dhaawac wejiga iyo gacanta bidix ka soo gaaray, haatana lagu dabiibayo isbitalka Madiina ee Muqdisho.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Marxuum Maxamed Cabdikarim ayaa Muqdisho ku sugnaa muddo todobaad ah, sida uu noo xaqiijiyay Agaasimaha Bariga Africa ee Telefishinka Universal, Cabdullahi Xersi, waxaana marka shilku ku dhacay isaga iyo Salmaan Saciid ay garoonka ka dooneen weriye Cabdixakiim Maxamed Cumar oo markii ay garoonka soo laabtay masiibada kula dhacday markii ay marayeen agagaarka hotelka Jazeera.

Marxuum Cabdixakiim Maxamed Cumar ayaa meydkiisa la helay habeenimadii Axadda abaaro 9:30fiidnimo, kolkaas oo markii ay suxufiyiin Soomaaliyeed ku soo wargeliyeen Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ay dadaalo badan kadib suurogashay in meydka goobta laga qaado oo la geeyo isbitalka.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, Md. Maxamed Ibrahim oo aaska kala qeyb galay suxufiyiin tiro badan oo ka dhacayay qabuuraha dugsiga Tababarka ee Gen. Kaahiye ayaa ku tilmaamay falkaasi lagu dilay labadaasi weriye mid arxan darro ah, uguna baaqay suxufiyiinta inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

“Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi Raajicuun, waa geeri xanuun badan, walaalaheen keliya kama bixin qoysaskooda ee waxa ay ka baxeen dhamaan bahda warfidiyeenka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ Md. Maxamed Ibrahim, isagoo intaa ku daray in suxufiyiintu feejignaan dheeri ah muujiyaan, Allena uga baryay kuwa geeriyoodayna in uu naxariistiisa siiyo, midka dhaawaca ahna Alle deg deg u bogsiiyo.

Allaha u naxariistee, labada marxuum ayaa ka tegay xaasas iyo caruur.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in shir Calami ah lagu qaban doono Dhawaan Muqdisho

Next Post

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yareey oo loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka+Sawirro

Next Post
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yareey oo loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka+Sawirro

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim "Xaliimo Yareey oo loo doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka+Sawirro

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In