Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda CQS oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Maxkamadda CQS  oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afartaan Eedeysane, ayaa lagu Eedeyey Kamid Noqoshada Khawaarijta oo ay qaabilsanaayeen Fulinta Qaraxyada, Dilalka Gaadmada ah, Basaasid, Tashkiilin iyo Kala gudbinta Xubnaha Kooxda, Waxaana seddex kamid ah lagu Qabtay Kululeysada Raashinka & Gasaca rinjiga oo ay ku jireen Waxyaabaha Qarxa & Sidoo kale Agabyo kale oo ay ku howlgalayeen.

Maxamed Cabdullaahi Cabdulle oo Afgarasho u aheyd Suldaan, ayaa horey uga tirsanaa Kooxdii Xasbul Islaam ee burburtay, Billowgii 2012 ayuuna ku biiray Khawaarita oo fikirkooda aad ula dhacsanaa, waxaana laga dhigay darawal kala gudbiya Hubka, dhaawacyada, saadka & Howlo kale, gacan fudeedka, Firfircoonida & Xiisaha uu u qabay daadinta dhiigga shacabka, ayaa ka dhigtay in kooxda ay u aragto shaqsi muhiim ah, mushaar dhan Seddex Boqol iyo Toban Dollar ayaana loo qoray oo lacag badan u dhiganta marka la joogo Argagixisada dhexdooda, maadama dagaalemeyaasha ay kooxda siiso lacag dhan Labaatan Dollar bishii.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026

Kuunyo barrow, Sablaale, Mubaarak, Ugunji, Biibi, Gandershe, Basro & Deegano kale, ayuu kasoo shaqeeyey, Waxaana lagu qabtay Muqdisho isaggoo Muuqaal basaasid ah ka duubayo Xerada Ciidanka Booliis Milataara ee deegaanka Jaziira, Kaamiradana ku qabanayo difaacyada & Meelaha laga soo geli karo.

Aweys Cabdalla Cali Kaamiri oo Shubka Saciid oo looga yaqaanay kooxda dhexdeeda, ayaa Khawaarijta ku Biiray Sanadkii 2017, kadib Tashkiilinta Eedeysanaha 1aad Maxamed Cabdullaahi Cabdulle Suldaan, Markiisii hore Basaasnimo & inuu soo gudbiyo Xogaha Ciidamada, ayaa loo Xilsaaray, balse mar dambe, ayaa loo soo beddelay Muqdisho, si uu u qabto Fulinta dilalka gaadmada ah & Qarxinta Baalooyinka ay ku xiran Kaamirooyinka CCTV oo Khawaarijta ay u arkeen Culeys ay ka qaban waayeen howlahooda argagixisanimo.

Shubka Saciid oo la baray Sameynta Waxyaabaha Qarxa, ayaa horjooge u noqday Saciid Xasan Isaaq Rooble oo Diiriye ku Howlgalaayey & C/naasir Cali Axmed oo isna Ikrama Afgasho u aheyd, Waxayna Seddexdooda Fuliyeen Qaraxyo lala beegsaday Goobo Ganacsi, Guryo, Shaqsiyaad & Ciidamo ka tirsan Booliska, Gacantoodana waxaa ku baxay dad ahaa indhaha Bulshadda.

Shabakadaan uu horjoogaha u ahaa Shubka Saciid ayaa a liftay Farsamo ugub aheyd, taasi oo ah inay qarax ku dhex farsameeyaan Kululeysada Raashinka & Gasaca Rinjiga, Balse uma suurta gelin inay adeegsadaan, dhagartaasna waxaa soo afjaray Ciidamada ammaanka oo soo qabtay Seddexdooda & agabkii ay ku howlgalayeen.

Kow iyo Labaatankii Bishii Kow iyo Tobnaad ee Sanadkii 2024 ayey Afartooda kasoo Muuqdeen Maxkamadda Darajada 1aad ee CQS, Dhowr fadhi oo Garsoorka ay ka yeesheen Kiiskooda, ayey kasoo saareen Xukuno kala duwan, Balse Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada oo baaris kale kadib helay Raadad, Cadeymo dheeraad ah, Qasaaro Baaxad weyn & dhibaneyaal markii hore aan la helin sababo la xiriira inay ku maqnaayeen Caafimaad dibada ah, ayaa qaatay Racfaan.

Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida oo aqbashay Racfaanka xafiiska Xeer Ilaalinta, ayaa Lix iyo Tobankii Bishaan u fariisatay Ka Garnaqinada Kiiska Afartaan Eedeysane, Maanta ayeyna Go’aan kasoo saartay Galkaan.

Maxkamadda sare ee CQS, ayaa Aweys Cabdalla Cali Kaamiri (Shubka Saciid) iyo C/naasir Cali Axmed (Ikrama) ku Xukuntay Xabsi Daa’in (Cimrigaa haku Furto) Sidoo kale Saciid Xasan Isaaq Rooble (Diiriye), ayaa lagu Xukumay Shan iyo Toban Sano oo Xabsi Argagixiso ah, Halka Maxamed Cabdullaahi Cabdulle (Suldaan) lagu Xukumay Toban Sano Xabsi Argagixiso ah.

Sida uu Warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Previous Post

Ciidanka NISA oo Howlgal Qorsheysan ku dilay 8 dhagarqabe

Next Post

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

Next Post
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY DUQA MAGAALADA ST. LOUIS PARK EE DALKA MARAYKANKA

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, oo tababar...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

Tababarka Hindisaha Istaraatiijiga ah ee Wariyayaasha Nabadda oo ka socda Muqdisho

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), Sarreeye Gaas Maxamed bin Saciid Al-Moghidi, iyo Agaasimaha...

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada Deegaanka oo Deegaanka Tawakal ku dilay Horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Laba ka tirsan ciidamada Macawisleyda deegaanka Wargaadhi, ayaa21-ka Agoosto 2026 deegaanka Tawakal oo qiyaastii shan kiiloomitir u jira Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In