Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 months ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska ee door muhiim ah ka qaatay xasilinta amniga deegaannada maamulkaas.

Munaasabadda oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka, saraakiil ciidan, odayaal dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu guddoonsiiyay saraakiisha billado sharaf, shahaadooyin iyo abaalmarinno kale oo lagu muujinayo mahadnaq iyo bogaadin.

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

Masuuliyiintii hadalka ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in saraakiishan ay muujiyeen geesinimo iyo xirfad sare intii ay ku guda jireen howlgallada lagula dagaallamayo Khawaarijta iyo sugidda nabadgelyada guud ee bulshada. Waxaa sidoo kale lagu ammaanay doorkooda ku aaddan ilaalinta sharciga iyo u adeegidda shacabka.

Tallaabadan dhiirrigelinta ah ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda maamulka Koonfur Galbeed ee lagu abaalmarinayo ciidamada amniga si ay u laba-jibbaaraan dadaalkooda, loogana adkaado kooxaha argagixisada ah ee caqabad ku ah amniga dalka.

Maamulka ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo dhiirrigelinta ciidamada si loo xaqiijiyo deganaansho iyo horumar waara.

Previous Post

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In