Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Prmier Bank oo laan cusub ka furay Suuq-bacaad+SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Prmier Bank oo laan cusub ka furay Suuq-bacaad+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, ayna ka soo qayb galeen agaasinka sare ee bankiga Premier, guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed iyo ku xigeenkiisa, guddoomiyaha midowga ganacsatada Suuq-bacaad, ganacsatada deegaanka Suuq-bacaad, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada ee deegaanka ayaa shalay lagu qabtay xarunta cusub ee bankigu ka furtay suuq-bacaad.

Guddoomiyaha midowga ganacsatada Suuq-bacaad Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cumar (Cabdi Barre) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan bankigan oo uu ku sheegay mid laga filayo in uu ku soo kordhiyo deegaanka horumar xagga bilicda ah, adeeg banki oo wanaagsan iyo in uu maalgelin ku sameeyo ganacsiyada suuqa ka socda.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Mudane Caabdicaziz Cali Ciid oo ka tirsan agaasinka sare ee bankiga Premeir oo isaguna xafladda ka hadlay ayaa ku dheeraaday adeegyada bankigu ku soo kordhin doono deegaanka, isaga oo si gooni ah u xusay adeegyada kaararka lacag-bixinta ee Visa iyo MasterCarad, adeegga SWIFT ee lacagaha adduunka la isugu diro iyo maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka oo ay ka faa’iideysan karaan ganacsatada deegaanka.

Guddoomiha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamuud Cabdikarim Gabayre oo isaguna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay bankiga Premeir soo dhaweynayaan isaga oo dhinaca kale ku dheeraaday ahmiyadda bankiyadu u leeyihiin horumarka dhaqaalaha bulshooyinka.

Guddoomiyaha agaasinka sare e Premier bank oo soo xiray munaasabadda ayaa hoosta ka xarriiqay in ay xil weyn iska saarayaan sidii bulshada Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeeg banki oo la mid ah kan caalamka isaga oo dhanka kale u mahad celiyay akhyaarta deegaanka Suuq-bacaad ee xafladda ka soo qayb gashay.

Bankiga Premier oo ah bankigii ugu horeeyay ee taariikhda Soomaaliya keena adeegga kaararaka ee VISA iyo MasterCard ayaa hadda Muqdisho ku leh afar laamood iyada oo maamulka bankigu sheegeen in ay dalka ku sii baahin doonaan adeegyada bankiga Premeir.

1 2 3 4 6 7 8

Previous Post

Golaha ammaanka ee Q. M. oo amaanay horumarka dowladda F. Soomaaliya

Next Post

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay Jaamacadda RAF ee dalka Kenya “Sawirro”

Next Post
Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay Jaamacadda RAF ee dalka Kenya “Sawirro”

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay Jaamacadda RAF ee dalka Kenya "Sawirro"

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In