Thursday, November 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Prmier Bank oo laan cusub ka furay Suuq-bacaad+SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Prmier Bank oo laan cusub ka furay Suuq-bacaad+SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, ayna ka soo qayb galeen agaasinka sare ee bankiga Premier, guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed iyo ku xigeenkiisa, guddoomiyaha midowga ganacsatada Suuq-bacaad, ganacsatada deegaanka Suuq-bacaad, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada ee deegaanka ayaa shalay lagu qabtay xarunta cusub ee bankigu ka furtay suuq-bacaad.

Guddoomiyaha midowga ganacsatada Suuq-bacaad Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cumar (Cabdi Barre) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan bankigan oo uu ku sheegay mid laga filayo in uu ku soo kordhiyo deegaanka horumar xagga bilicda ah, adeeg banki oo wanaagsan iyo in uu maalgelin ku sameeyo ganacsiyada suuqa ka socda.

Related posts

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025

Mudane Caabdicaziz Cali Ciid oo ka tirsan agaasinka sare ee bankiga Premeir oo isaguna xafladda ka hadlay ayaa ku dheeraaday adeegyada bankigu ku soo kordhin doono deegaanka, isaga oo si gooni ah u xusay adeegyada kaararka lacag-bixinta ee Visa iyo MasterCarad, adeegga SWIFT ee lacagaha adduunka la isugu diro iyo maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka oo ay ka faa’iideysan karaan ganacsatada deegaanka.

Guddoomiha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed, Mudane Maxamuud Cabdikarim Gabayre oo isaguna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in ay bankiga Premeir soo dhaweynayaan isaga oo dhinaca kale ku dheeraaday ahmiyadda bankiyadu u leeyihiin horumarka dhaqaalaha bulshooyinka.

Guddoomiyaha agaasinka sare e Premier bank oo soo xiray munaasabadda ayaa hoosta ka xarriiqay in ay xil weyn iska saarayaan sidii bulshada Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeeg banki oo la mid ah kan caalamka isaga oo dhanka kale u mahad celiyay akhyaarta deegaanka Suuq-bacaad ee xafladda ka soo qayb gashay.

Bankiga Premier oo ah bankigii ugu horeeyay ee taariikhda Soomaaliya keena adeegga kaararaka ee VISA iyo MasterCard ayaa hadda Muqdisho ku leh afar laamood iyada oo maamulka bankigu sheegeen in ay dalka ku sii baahin doonaan adeegyada bankiga Premeir.

1 2 3 4 6 7 8

Previous Post

Golaha ammaanka ee Q. M. oo amaanay horumarka dowladda F. Soomaaliya

Next Post

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay Jaamacadda RAF ee dalka Kenya “Sawirro”

Next Post
Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay Jaamacadda RAF ee dalka Kenya “Sawirro”

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay Jaamacadda RAF ee dalka Kenya "Sawirro"

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

November 5, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

November 5, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In