Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu doortay Boosaaso

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu doortay Boosaaso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo magaalada Boosaaso ay socoto Doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay soo dil laatay qaar ka mid ah doorashada kuraastan.

Kursiga tirsigiisu yahay Hop#157 ayaa loo doortay Maxamuud Axmed Aaden (Geesood),  halka kursiga Hop#227 dib loogu doortay Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (Qambi).

Related posts

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026

Sidokale Kursiga#273 ayaa loo doortay Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) halka kursiga Hop#234 loo doortay Marwo Cabdi Bashiir.

Kursiga Hop#076 waxaa Cod gacan taag ah ugu guulaystay Xildhibaan Muuse Axmed Ismaciil oo helay dhamaan 101 Codadka Ergada ka dib markii ay u tanaasushay Faaduma Ibraahim Ismaaciil.

Kursiga sumadiisa tahay Hop#169 ayaa waxa ku tartamay Cali Mahdi Maxamed iyo Xafso Cali Axmed waxaana 97 cod ku guulaystay  Xildhibaan Cali Mahdi Maxamed.

Kursiga Hop#083 axaa ku tartamay Maxamed Bashiir Cali iyo Aamino Maxamed Ciise waxaana ku guulaystay Maxamed Bashiir Cali ka dib markii Tartanka ay isaga hartay Aamino Maxamed Ciise.

Kursiga Hop#220 waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Cali Xaaji daahir Saleebaan iyo Axmed Burhaan Cumar, 101 Ergo ee Kursigan ayaa dhamaan codka siiyay Cali Xaaji daahir ka dib markii uu ka haray Tartanka murrashax Axmed Burhaan.

Caynaanshe Yusuf Xuseen ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-222 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo Magaalada Bosaaso.

Sidokale Maxamed Aadan Diini ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-036oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo Magaalada Bosaaso.

Siciid Cali Muuse, ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-027 oo doorashadiiu ka dhacday Magaalada Bosaaso.

Sadaam Maxamuud Cabdi ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-158 oo ka mida kuraasta maanta lagu dooranaayo Magaalada Bosaaso.

Ugu danbeeyn Faysal Axmed Maxamuud, ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-149 oo isagana  Magaalada Bosaaso lagu doortay.

Previous Post

Moscow oo ku dhawaaqday Xabbad joojin

Next Post

Washington: Beegsiga xarumaha Rayidka Ukraine waa dambi dagaal

Next Post
Washington: Beegsiga xarumaha Rayidka Ukraine waa dambi dagaal

Washington: Beegsiga xarumaha Rayidka Ukraine waa dambi dagaal

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In