Iyadoo u dabaaldegeysa Maalinta Caalamiga ah ee wacyigelinta iyo kaalmaynta miino saarista, ayaa Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay iftiimiyeen halkudhigga sanadkan ee ah ‘Samir, Iskaashi, Hore-u-socod’ laga yeesho ka-shaqaynta sidii loo ciribtiri lahaa khataraha walxaha qarxa ee ku wajahan dadka Soomaaliyeed.
“Iyadoo dalku ku tallaabsanayo horumar dhanka ka-hortagga khataraha qarxyada, haddana waa inaan sii wadnaa in aan si wadajir ah uga wada shaqeyno sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa aafadaas oo aan ahayn kaliya mid sanad kasta disha oo dhaawacda dad aad u tiro badan oo rayid ah oo aan waxba galabsan, laakiin sidoo kale cuuryaamisa horumarka dalka,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Sanadkii 2019-ka, waxaa jiray 1,140 khasaarooyin dad rayid ah kasoo gaaray Walxaha Qarxa ee Macmalka ah (IED). Sanadkii 2020-ka, tiradaasi waxay hoos ugu dhacday 454. Sidoo kale, sanadkii 2019ka, waxaa jiray 59 khasaarooyin rayid kasoo gaaray Haraadiga Walxaha Qarxa ee Dagaallada (ERW), tiradaasina waxay hoos ugu dhacday 53 sanadkii 2020-ka.
Inkastoo uu jiro hoos u dhac soo dhoweyn mudan ee tirada khasaarooyinka, haddana weli iyaga ayaa ah walaac weyn oo u baahan in si u-heellanaan leh loo eego, sida ay sheegtay Hay’adda QM u qaabilsan Miino Saarista (UNMAS) ee Soomaaliya
“Saameynta ugu weyn ee khataraha qaraxyada waxay gaartaa dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta. Annagoo wadajirna waa in aan xoogga saarno sidii aan kor ugu qaadi lahayn horumarinta tayada qaran ee miino-saarista isla markaana aan sii wadno taageerada Soomaaliya, xaqiijinno badbaadinta dadka rayidka ah iyo sidoo kale horumarka bulshada iyo dhaqaalaha,” ayay tiri Agaasimaha Barnaamijyada Hay’adda UNMAS ee Soomaaliya, Qurat-ul-Ain Sadozai.
UNMAS waxay la shaqeysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, waxayna la hawl-gashaa bah-wadaag heer qaran iyo kuwo calami ah, si ay u taageeraan Qorshaha Marxaladda Kalaguurka ee Soomaaliya.
Hawlahaas waxaa qayb ka ah baabi’inta khataraha qarxayada, bixinta aqoon kororsi ku saabsan halista walxaha qarxa, wacyigelinta heer bulsho, kor u qaadista tayada qaran ee miino saarista, iyo taageeridda dadaallada dowladda ee loogu adeegayo dadka kasoo badbaaday miinooyinka dhulka lagu aaso iyo haraadiga walxaha qarxa ee dagaallada iyo dadka laxaadkoodu dhimanyahay.
Dadaallada UNMAS waxay horumarinayaan dadaal wadareedka QM ee lagu taageerayo Ajandaha 2030ka ee Horumarka Waara iyo Yoolalka Horumarka Waara (SDGs). Iyadoo ay meelmariyeen oo ay isla qaateen dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah QM sannadkii 2015-kii, ayaa Yoolalku waxay yihiin baaq caalami ah oo ku aaddan wax ka qabasahada ciribtirka saboolnimada, badbaadinta meeraha dhulka, iyo hagaajinta nolosha iyo rajada mustaqbalka qof kasta, meel kasta.