Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo sheegtay in hoos u dhacday tirada dadka ku waxyeeloobay miinooyinka sanadihii u dambeeyay

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
QM oo sheegtay in hoos u dhacday tirada dadka ku waxyeeloobay miinooyinka sanadihii u dambeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo u dabaaldegeysa Maalinta Caalamiga ah ee wacyigelinta iyo kaalmaynta miino saarista, ayaa Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay iftiimiyeen halkudhigga sanadkan ee ah ‘Samir, Iskaashi, Hore-u-socod’ laga yeesho ka-shaqaynta sidii loo ciribtiri lahaa khataraha walxaha qarxa ee ku wajahan dadka Soomaaliyeed.

“Iyadoo dalku ku tallaabsanayo horumar dhanka ka-hortagga khataraha qarxyada, haddana waa inaan sii wadnaa in aan si wadajir ah uga wada shaqeyno sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa aafadaas oo aan ahayn kaliya mid sanad kasta disha oo dhaawacda dad aad u tiro badan oo rayid ah oo aan waxba galabsan, laakiin sidoo kale cuuryaamisa horumarka dalka,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026

Sanadkii 2019-ka, waxaa jiray 1,140 khasaarooyin dad rayid ah kasoo gaaray Walxaha Qarxa ee Macmalka ah (IED). Sanadkii 2020-ka, tiradaasi waxay hoos ugu dhacday 454. Sidoo kale, sanadkii 2019ka, waxaa jiray 59 khasaarooyin rayid kasoo gaaray Haraadiga Walxaha Qarxa ee Dagaallada (ERW), tiradaasina waxay hoos ugu dhacday 53 sanadkii 2020-ka.

Inkastoo uu jiro hoos u dhac soo dhoweyn mudan ee tirada khasaarooyinka, haddana weli iyaga ayaa ah walaac weyn oo u baahan in si u-heellanaan leh loo eego, sida ay sheegtay Hay’adda QM u qaabilsan Miino Saarista (UNMAS) ee Soomaaliya

“Saameynta ugu weyn ee khataraha qaraxyada waxay gaartaa dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta. Annagoo wadajirna waa in aan xoogga saarno sidii aan kor ugu qaadi lahayn horumarinta tayada qaran ee miino-saarista isla markaana aan sii wadno taageerada Soomaaliya, xaqiijinno badbaadinta dadka rayidka ah iyo sidoo kale horumarka bulshada iyo dhaqaalaha,” ayay tiri Agaasimaha Barnaamijyada Hay’adda UNMAS ee Soomaaliya, Qurat-ul-Ain Sadozai.

UNMAS waxay la shaqeysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, waxayna la hawl-gashaa bah-wadaag heer qaran iyo kuwo calami ah, si ay u taageeraan Qorshaha Marxaladda Kalaguurka ee Soomaaliya.

Hawlahaas waxaa qayb ka ah baabi’inta khataraha qarxayada, bixinta aqoon kororsi ku saabsan halista walxaha qarxa, wacyigelinta heer bulsho, kor u qaadista tayada qaran ee miino saarista, iyo taageeridda dadaallada dowladda ee loogu adeegayo dadka kasoo badbaaday miinooyinka dhulka lagu aaso iyo haraadiga walxaha qarxa ee dagaallada iyo dadka laxaadkoodu dhimanyahay.

Dadaallada UNMAS waxay horumarinayaan dadaal wadareedka QM ee lagu taageerayo Ajandaha 2030ka ee Horumarka Waara iyo Yoolalka Horumarka Waara (SDGs). Iyadoo ay meelmariyeen oo ay isla qaateen dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah QM sannadkii 2015-kii, ayaa Yoolalku waxay yihiin baaq caalami ah oo ku aaddan wax ka qabasahada ciribtirka saboolnimada, badbaadinta meeraha dhulka, iyo hagaajinta nolosha iyo rajada mustaqbalka qof kasta, meel kasta.

Previous Post

Weerar Gantaallo ah oo  lagu qaaday saldhig Ciidamada Mareykan ay ku leeyahiin  Ciraaq

Next Post

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo booqday Dhaawacyada Ciidamo ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo booqday Dhaawacyada Ciidamo ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo booqday Dhaawacyada Ciidamo ka Tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

March 29, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan mira dhal ah la...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadista Hoggaaminta Haweenka

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed...

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

SOMALI NATIONAL FORCES CONDUCT MILITARY OPERATION AGAINST KHARIJITES AL SHABAB IN DAYNUNAY

March 29, 2026
0

Somali National Security Forces, conducting operations against Kharijites militants, successfully cleared roadblocks set up by the terrorists in Daynunay area...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In