Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoysas danyar oo loo qeybiyay lacago ay ku shaqeystaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Muqdisho oo marti gelineysa shirka IGAD iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda badbaadada carruurta iyo haweenka ee SSWC ayaa maanta waxa ay 20 haween ah u qeysbisay lacag, taasi oo ay ugu talagashay inay ku maareeyeen noloshooda.

Deeqdan lacagta ah ee loo qeybiyay 20-ka haween ee ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ayaa midkiiba la siiyay $500, iyadoo munaasabadii qeybinta lacagta ay goob joog ka ahayeen agaasimaha Hay’adda badbaadada carruurta iyo haweenka ee SSWC, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, xubno ka socday Wasaaradda Haweenka, Ururrada bulshada rayidka ah, waxaana deeqdan lacagta ah bixisay hay’adda Axmed Nuur Foundation, iyadoo ay fulisay hay’adda SSWC.

Related posts

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

March 5, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026

Agaasimaha Hay’adda badbaadada carruurta iyo haweenka ee SSWC Aamino Xaaji Cilmi ayaa sheegtay in lacagtan loogu talagalay in haweenka ay ku shaqeystaan, kuwaasi oo isugu jira kuwa horey tacadiyo kala duwan loo geystay iyo kuwa kale, waxaana ay intaa ku dartay in haweenkan ay horey u siiyeen siminaaro ku saabsan xirfado ay ku shaqeystaan,.

Sidoo kale haweenkii loo qeybiyay lacagta ayaa ka mahadceliyay kaalmada la siiyay

Qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah iyo xubno ka socday Wasaaradda Haweenka oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay inay tahay wax lagu daysado talaabada maanta haweenka lagu guddoonsiiyay lacago loogu talagalay inay ku maareeyaan noloshooda

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuuli Sheekh Axmed Gabale oo ka hadashay muaasabadii ay Hay’adda badbaadada carruurta iyo haweenka ee SSWC lacagta ugu qeybineysay haweenka danyarta ah ayaa waxa ay xustay in dhibaatooyinkii dalka ka dhacay ay saameeyn ku yeesheen dumarka.

Hay’adda SSWC oo u taagan badbaabada carruurta iyo haweenka ayaa ah hay’ada ka shaqeyso wax u qabashada dumarka iyo carruurta, iyadoo dhawaan 8-boqol haween ah bartay xirfado ay ku shaqeystaan.

Previous Post

Qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ka socoto Dhuusamareeb

Next Post

Wasaaradda Kalluumaysiga oo sheegtay in ay soo saarayso Sharci cusub

Next Post

Wasaaradda Kalluumaysiga oo sheegtay in ay soo saarayso Sharci cusub

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲ay 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐮 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐆𝐚a𝐥𝐤𝐚𝐜𝐲𝐨

March 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa magaalada Gaalkacyo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Zakariye Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

March 5, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen u...

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah oo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Oo Maanta Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah oo Muhiim ah

March 5, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay mahadcelin iyo qaddarin weyn u muujinaysaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Dastuurka XFS oo soo saartay Bayaan Dadweyne

March 5, 2026
0

𝐁𝐀𝐘𝐀𝐀𝐍 𝐃𝐀𝐃𝐖𝐄𝐘𝐍𝐄 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒 𝐊𝐮 𝐒𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In