Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galay Switzerland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galay Switzerland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Geneva:- Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte iyo wafdi la socdo oo ay ka mid yihiin  La Taliyaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cabdi Yuusuf iyo Jacfar Abuukar Maxamed oo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha oo socdaal howleed ku joogo dalka Switzerland ayaa magaalada Geneva waxa kaga qeyb galay shirweyne loogu hadlayay sidii loo xoojin lahaa Yabooha ama Deeqaha  la siiyo Dowladaha  u baahan taageerada beesha Caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto .

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka ayaa shirka ku soo bandhigay sidii Soomaaliya loo garab istaagi lahaa isagoo beesha Caalamka u sheegay in laga taageero Soomaaliya, isla markaana gurmad deg deg ah loo fidiyo dadkii ku waxyeeloobay daadadka ku dhuftay gobolka ka tirsan Soomaaliya.

Related posts

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025

Sidoo kale Ra’isul Wasaare  ku-xigeenka Soomaaliya ayaa magaalada Bern ee Caasimada Switzerland waxa uu maalintii shalay eheed kula kulmay Madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Switzerland .
Kulanka dhexmaray Ra’isul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo Madaxda Wasaaradda arrimaha dibada ee Switzerland  waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo uu ugu muhiimsanaa xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa kaalmada la siiyo dowladda Soomaaliya.

Mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa shalay waxa uu kulan gar ah oo looga hadlayo sidii Dowladda Soomaaliya looga gacansiin lahaa baahinta nidaamka Federaalka uu la yeeshay Madaxda 26-ka Gobol ama  (Canton)-uu ka koobanyahay Switzerland, kaasi oo uu ka soo baxay natiijooyin wax wax weyn u tarayo shacabka Soomaaliyeed.

Ugu Danbeyntii Ra’iusl Wasaare ku.xigeenka ayaa xalay waxa uu magaalada Bern kulan kula yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland.

Kulankan ayaa ahaa mid casho sharaf ah oo ay Jaaliyadu u sameysay Wafdiga Ra’isul wasaare ku-xigeenka, waxaana ka soo qeyb galay qaar ka tirsan Mas’uuliyiinta dowladda sida Danjiraha Soomaaliya ee Switzerland Drs. Faaduma Cabdilaahi Insaaniye,  La Taliyaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cabdi Yuusuf iyo Jacfar Abuukar Maxamed oo ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha.

Si kastaba ha ahaate Wafdiga Ra’iusl wasaare ku- xigeenka Xukuumada Soomaaliya ayaa la filayaa in maalinta berito ee Jimcaha ah ay ka ambabaxaan dalka Switzerland.

8809ba529a2ac15bd7b78ba7babafe65d1fd3d01c255b9927b65c21cbb4e2500 aac7b15f32909abeaa0e86a6b7a7dca1c95e31ed9fcb8509c13d0ecac82a06fb dff03abd75caf44c20aedd67c4e0a5478e188dd845e542b9db48b37d174f8457 fb99591ca3ba729bc18784466ca8460ee1bbdf293587938b60491f19c854e3a6 IMG_3708 IMG_3717 IMG_3733 IMG_3736 IMG_3739 IMG_3742 IMG_3744 IMG_3746 IMG_3759 IMG_3784 IMG_3785 IMG_3787 IMG_3798 IMG_3801 IMG_3803 IMG_3804 IMG_3810 IMG_3811 IMG_3814 IMG_3830 IMG_3869 IMG_3873 IMG_3894 IMG_4100 IMG_4102 IMG_4116 IMG_4120

Previous Post

Ururada U Dooda Xuquuqda Haweenka Iyo Caruurta Oo Muqdisho Ku Qabtay Munaasabad Lagu Xusayay Maalinta Xuquuqul Insaanka “Sawirro”

Next Post

Guddoomiye Madaale” Looma kala harayo Nadaafada Caasimadda” SAWIRRO

Next Post
Guddoomiye Madaale” Looma kala harayo Nadaafada Caasimadda” SAWIRRO

Guddoomiye Madaale" Looma kala harayo Nadaafada Caasimadda" SAWIRRO

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In