Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan waaxda difaaca Mareykanka

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan waaxda difaaca Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku xigeenka xoghayaha difaaca ee dalka Mareykanka Bob Work ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga waxaa uu kula kulmay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya  iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya waxaana kulankooda ahaa kii ugu horeeyay oo xarunta Pentagon ay ku yeeshaan  mas’uuliyiintan.

Waaxda difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in kulanka ay yeesheen Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, wasiirka gaashaandhigga Janaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo ku xigeenka xoghayaha difaaca Bob Work ayaa waxaa uu ku saabsanaa ahmiyadda taageerada dhanka amniga oo Mareykanka uu siiyo Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Mr Work ayaa amaanay guulaha ciidanka Soomaaliya ay ka gaareen maleeshiyaadka Al-shabaab labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo sidoo kale ay mas’uuliyiintan ka wada niqaasheen dagaalka kooxda Al-shababa lagula jiro iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah,isku dhafka ciidanka iyo dib u xoreynta goobaha ay wali ku sugan yihiin kooxaha nabad diidka ah iyadoo laga fogaanayo wax dib u dhac ah.

Mas’uuliyiinta labada dhinac  ayaa sidoo kale arimaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah ciidanka  Danab oo ah qeybta Komaandooska oo ka tirsan ciidanka xooga dalka kuwaas oo tusaale wanaagsan u ah ciidanka isla markaana uu qorshuhu yahay in guud ahaan ciidanka xooga Soomaaliya sidaa oo kale sidaa oo kale laga dhigo.

Ku xigeenka Xoghayaha difaaca Mareykanka Mr Work ayaa xaqiijiyay in wasaaradda gaashaandhigga ay ka go’an tahay in ay taageeraan ciidanka Soomaaliya sidii loo huromarin lahaa iyo kuwo Midowga Afrka ee AMISOM.

“Ku xigeenka xoghayaha difaaca ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay dhameystirto hirgelinta hanaanka federaalka iyo in sanadka soo aadan la qabto doorshooyin taas oo waqtigeeda lagu heshiiyay”. Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay waaxda difaaca ee Petagon –ka.

“ Horumar laga sameeyo dhanka siyaasadda ayaa waxaa ay lagama maarmaan u tahay in la helo aas aaska horumarinta hey’adaha amniga ee Soomaaliya .”  ayaa sidoo kale kamid ahaan bayaanka.

 

Previous Post

Wergelin:-Iskuulada ka qeyb galaya Imtixaanaadka Mideysan Oo Loo Cayimay Goobaha Ay Ka Heli Karaan ID carada Imtixaanka ay Ku Galayaan “Sawirro”

Next Post

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In