Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safaaradda Mareykanka ee Kampala oo ka digtay weeraro argagixiso oo ka dhaca dalka Uganda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Safaaradda Mareykanka ee Kampala oo ka digtay weeraro argagixiso oo ka dhaca dalka Uganda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin la xiriirta suurtagalnimada weeraro ka dhaco magaalada Kampala ee dalka Uganda.

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanku ku leeyahay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta u dhalatay Mareykanka aysan tagi karin goobaha Bulshada ay isugu yimaadaan iyo sidoo kale goobaha baararka ah ee lagu caweeyo.

Related posts

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026

Safaaradda ayaa sheegtay inay heshay macluumaad ku saabsan weeraro ka dhici rabo dalka Uganda, waxaana sidoo kale digniintaan ay u jeedisay muwaadiniinta reer galbeedka ah ee ku sugan dalka Uganda, iyadoo kula talisay inay galaan feejignaan dhanka ammaanka ah.

Dhinaca kale Safaaradda ayaa ku wargelisay muwaadiniinta Mareykanka ah ee dalkaasi tagaya, ineey si deg deg ah Safaaradda  ula xiriiraan si loogu sheego macluumaadka dhanka ammaanka ah ee Safaaradda ay hayso.

Safaaradda ma aysan sheegin cidda qorsheynaysa weeraradaan ay heshay macluumaadkeeda, hayeeshe waxa ay bixisay kaliya digniinta ay u jeedisay muwaadiniinta dalkaasi u dhalatay iyo kuwa reer galbeedka ee Kampala ku nool.

Mareykanka ayaa dhawaan si KMG ah u xiray Safaaradda uu ku leeyahay dalka Jabuuti, sidoo kale Mareykanka wuxuu xiray dhamaan Qunsuliyadihii uu ku lahaa dalka Sacuudiga, sababo ammaan awgeed.

Previous Post

Madaxweynaha J. F. S. oo galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho

Next Post

Dowladda Sacuudiga oo abaabushay isbaheysi melateri oo la dagaalama Xuutiyiinta Yemen

Next Post
Dowladda Sacuudiga oo abaabushay isbaheysi melateri oo la dagaalama Xuutiyiinta Yemen

Dowladda Sacuudiga oo abaabushay isbaheysi melateri oo la dagaalama Xuutiyiinta Yemen

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In