Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo laga Guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirennimo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Masar oo laga Guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirennimo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne dowladda Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta oo Axad ah warqadaha Aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Masar mudane Cali Cabdi Awaare ayaan uga mahadceliyay dowladda Masar sida wanagsan ee loo soo dhaweeyay iyo sida dowladda Masar uga shaqeynayso xariirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood, waxaana uu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xariirka labada dowladood ee arrimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhinacyadda kale ay iska kaaashadaan labada dal.

Related posts

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maalmo ka hor ku soo dhoweeyay Muqdisho dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, si loo daah-furo si rasmi ah khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, taasi oo tilmaan u ah bilashada waa cusub oo isgaarsiineed iyo iskaashi oo labada dal ee walaalaha ah yeeshaan.

Daahfurka khadka duulimaadka tooska ah ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xiriirka Soomaaliya iyo Masar, waxa ayna ka tarjumaysaa aragtida ballaaran ee labada dowladood ee ah inay sii qoto-dheereeyaan iskaashigooda dhinacyada kala duwan, sida siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, gaadiidka, duulista hawada, ganacsiga, dhaqanka, tacliinta sare, caafimaadka iyo tababbaro dhinacyo badan leh.

Soomaaliya ayaa la leh dowladda Masar xiriiri iskaashi xooggan oo qoto-dheer oo taariikhi ah, waxa ayna u aragtaa saaxiib istiraatiiji ah

 

 

Previous Post

Xildhibaan Maxamed Islow “Waa inay noo kala soocnaato naceybka Mas’uulka xilka hayo iyo Qaranimada”

Next Post

Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka oo lagi qabtay Muqdisho

Next Post
Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka oo lagi qabtay Muqdisho

Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka oo lagi qabtay Muqdisho

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

Howlgal lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay Nawaaxiga Buula-Xaaji

January 14, 2026
0

Howlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen nawaaxiga deegaanka Buulo-Xaaji ee...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo booqasho ugu tegay Garaad Jaamac

January 14, 2026
0

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ...

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

Wafdiga Dowladda JFS oo qado sharaf loogu sameeyay Laascaanood

January 14, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi (Timacadde), oo ay wehliyaan Wasiirada...

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

Shirka ka jawaabista abaaraha iyo amni darrada cuntada dalka oo la soo gabagabeeyay

January 14, 2026
0

Waxaa magaalada Moqdisho ku soo gabagaboobay, Shirka Ka-Jawaabista Abaaraha iyo Amni-Darrada Cuntada dalka kadib dood iyo xog is-weydaarsi miro-dhal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In