Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Turkiga oo Maanta khudbad u jeediyay ardayda jaamacadda SIMAD{SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Safiirka Turkiga  oo Maanta khudbad u jeediyay ardayda jaamacadda SIMAD{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka dowladda turkiga ee Somalia mudane Olgan Baker ayaa manta booqasho ku tegay xarunta wayn ee jaamacadda SIMAD. Safiirka oo hadal u jeediyay qaar ka mid ah ardayda jaamacadda SIMAD ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadeyso taageerada horumarineed iyo tan waxbarasho ee ay siiyaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan horayba u wadnay taageero aan siineyso jaamacadaha Soomaaliyeed, anagoo ugu deeqnay kumputerro iyo qalab kale waana sii wadi doonnaa teegeeradas aan siineyno iskuulada iyo jaamacadaha. Fursadaha waxbarasho ee bilaashka ah waa mid muhiim noo ah waxaana jirta hay’ad dowli ah oo qaabilsan arrintan, hay’addaasi sanad kasta waxay bixisaa minxooyin, sand kasta waxay dowladda Turkigu waxbarasho siisaa shan boqol oo arday oo Soomaali ah”. ayuu yiri danjire Olgan isagoo su’aalo uga jawaabayay ardayda.

Related posts

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026

Sidoo kale danjiruhu wuxuu sheegay in dowladda Turkigu ay mashaariic horumarineed oo badan ay ka waddo waddanka, kuwaas oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale sida dekadda iyo garoonka diyaaradaha iyo qaar kale oo xiriir la leh arrimaha gargaarka bani aadanimmo iyo dib u dhiska asagoo tilmaamay inay sii wadi doonaan mashaariicdaas. Danjire Olgan Baker ayaa kormeeray qaybaha jaamacadda waxa uuna booqday fasallo ay ardaydu dhiganayeen, isagoo kulan gaar ahna la qaatay maamulka jaamacadda.

Gudoomiyaha jaamacadda SIMAD Daahir Xassan Carab ayaa uga Mahad celiyay danjiraha, shaqada uu ka hayo waddanka isagoo metelaya shacabka iyo dowladda Turkiga, wuxuu si gaar ah u xusay taageerada ay siiyaan jaamacadaha waddanka iyo ardayda Soomaaliyeed ee ay deeqaha waxbarasho dalkooda ugu qaadaan.

“ Wuxuu la hadlay arday kala duwan, wuxuu u sheegay sida ay dowladda Turkigu albaabada ugu fureen ardayda Soomaaliyeed oo ay diyaar ugu yihiin inay takhasusyada ay u baahan yihiin ay ku sameeyaan waddanka Turkiga, taas oo ah mashruuc socda oo ay Turkigu horay u fureen, walina ay sii xoojinayaan. Annaga SIMAD ahaan waxaan tusnay qalabkii ay noogu deeqeen oo shaqeynaya, waana soo dhaweyneynaa” ayuu yiri guddoomiye Daahir Carab.

Dowladda Turkiga ayaa si joogto ah teegeero qalab iyo mid farsamo u siisa jaamacadaha ku yaalla waddanka. Sanadkii hore dalladda SomaliREN oo ay ku mideysan yihiin jaamacado ku yaalla gobollada dalka iyo machadyo ayay dowladda Turkigu siisay matoorro dabka dhaliya iyo kombuyuutarro.

IMG_1754 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? IMG_1825 ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? IMG_1912 ???????????????????????????????

 

15 16 17

Previous Post

Wasiirka Difaaca iyo Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub oo ka wada hadlay qalabaynta Ciidamada XDS “SAWIRRO”

Next Post

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo ka qayb galay kulan wada tashi ah oo dhalinyarada gobolku yeesheeen{SAWIRRO}

Next Post
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo ka qayb galay kulan wada tashi ah oo dhalinyarada gobolku yeesheeen{SAWIRRO}

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo ka qayb galay kulan wada tashi ah oo dhalinyarada gobolku yeesheeen{SAWIRRO}

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In