Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Shirki dib u  soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

caqiil by caqiil
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Shirki dib u  soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal Wasaare ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo maanta shir gudoominayay shirkii horumarinta iyo dib-dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka (SDRF Meeting) ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan qorshayaasha horumarineed ee ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay si wada jir ah u shir guddoominayeen Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee ku saabsan horumarka iyo dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaale ee Dalka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada dowadda Federaalka ah ee xubinta ka ah SDRF, ms’uuliyin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, xubno ka socday dawlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, koonfur Galbeed iyo Benadir waxa kale oo goob joog ahaa wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya iyo wakiilada dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka horumarka.

Related posts

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026

Shirka oo ah mid bile ah, oo bishiiba mar la qabto ayaa diiradda lagu saaray waxyaabaha u qabsomay dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee dhinacyada amniga, horumarka iyo adeegyada guud ee bulshada, iyadoo mas’uuliyiintii ka socday dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur galbeed iyo maamulka gobolka banaadir ay madasha ku soo bandhigeen waxyaabaha u qabsoomay, iyagoo xusay in howlgallo ka dhan ah Shabaabku ay fuliyeen, kaasi oo lagu guuleystay, ayna jiraan horumar dhinacyada kale laga gaaray.

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo xubno kale oo shirka hadlay waxa ay si wada jir ah hoosta uga xariiqeen in dowladda federaalka ah ay ku tallaabsaday horumar dhinacyo badan leh.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo shirka kadib la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa xusay in shirka dowladda Soomaaliya lagu amaanay sida ay u maareeyeen dib u habeynta miisaaniyada, taasi oo sahashay in dowladda Soomaaliya ay iminka qaadan karto deeyman hor leh…

Mudane Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa isaga oo ku hadlaya magaca Xukuumadda Soomaaliya bulshada uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay badda u dhexeysa Masar iyo Talyaaniga, dadka uu cudurka Yellow Feverka ah ku dilay dalka Angola, isagoo hay’adaha amniga ku amray in ay cadaaaladda horkeeneen dadkii ka dambeeyay falal dil ah oo Muqdisho ka dhacay..

Kulanka Horu-marka iyo Dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaale ee Dalka oo bishiiba mar la qabto ayaa maanta lagu falanqeeyay arrimo badan oo ay ugu horeyso halka ay marayaan qorshayaasha horu-marineed ee ka socda guud ahaan Soomaaliya.

vlcsnap-2016-04-18-16h02m55s250 vlcsnap-2016-04-18-16h03m03s74 vlcsnap-2016-04-18-16h03m10s147 vlcsnap-2016-04-18-16h03m34s61  vlcsnap-2016-04-18-16h03m59s125 vlcsnap-2016-04-18-16h04m07s203 vlcsnap-2016-04-18-16h04m20s78 vlcsnap-2016-04-18-16h04m48s94 vlcsnap-2016-04-18-16h05m17s111

Previous Post

Madaxweynaha oo shacabka uga tacsiyeeyay geerida ku timid dhalinyaro Soomaali ah oo tahriib ugu socday Yurub

Next Post

Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid tahriibayaal Soomaali ah

Next Post
Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid tahriibayaal Soomaali ah

Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid tahriibayaal Soomaali ah

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

Guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare oo kulan ka yeeshay howlaha hor-tebinta u leh Golaha

August 31, 2026
0

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee BJFS, ayaa maanta yeeshay kulankoodii...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Algeria ee Soomaaliya

August 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In