Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka booliska oo shaaciyay in lagu guuleystay tayeynta ciidanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Taliska ciidanka booliska oo shaaciyay in lagu guuleystay tayeynta ciidanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Cabdi Xasan oo ka hadlayay xuska 76 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliya oo maanta lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow ee Degmada C/casiis ayaa sheegay in booliska uu soo maray marxalado kala duwan, maantana uu marayo meel uu ku hiigsanayo xaqiijinta amniga dalka.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka booliska ay yihin lafdhabarka bulshada, shacabkuna looga fadhiyo inay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhexeyso booliska.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

“Umad waliba waxaa lafdhabar u ah ciidanka booliska, Ummadaas oo dooneysa jiritaanka dhowrista, hiigsaneysana horumar, xasilooni iyo cadaalad, haddii aanay ciidan boolis jirin, horumar, hiigsasho, xasilooni iyo cadaalad midna lama helayo” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sareeyo Guuto Cabdi Xasan ayaa daboolka ka qaaday in lagu guuleystay sidii loo tayeyn lahaa ciidanka, loona xoojin lahaa wada shaqeynta kala dhexeysa Maamulada Degmooyinka iyo shacabka

“Waxaa ciidanka la siiyaa tababaro kala duwan oo ay ku jirto ilaa iyo heer Jaamacadood, oo ay ugu faa’iideeynayaan naftooda iyo mas’uuliyadda ka saaran shacabkooda, waxaana tani ay qeyb tahay sidii loo tayeyn lahaa ciidanka booliska, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday” ayuu yiri Taliyaha Booliska oo hadalkiisa ku daray “Waxaa horumar laga gaaray xiriirka u dhexeeya maamulada 17-ka degmo iyo saldhigyada booliska ee gobolka Banaadir oo ay u wada shaqeyn lahaayeen iyo sidii ay isugu xirnaan lahaayeen shacabka gobolka ku nool”.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Cabdi Xasan ayaa ka tacsiyadeeyay ciidamada qalabka sida ee naftooda ku waayay difaaca dalka, waxaana uu Alle uga baryay kuwa dhaawacmay in uu Alle u boog dhayo.

“Waxaan halmalyo u dirayaa Sareeyeyaasha, Saraakiisha,  Saraakiil xigeenada, Alifleyda, Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Xaasaskooda in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo Baraare” .ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.

 

Previous Post

Howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ka soconaya Hiiraan

Next Post

Wasaaradda Haweenka oo furtay tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda carruurta “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Haweenka oo furtay tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda carruurta “SAWIRRO”

Wasaaradda Haweenka oo furtay tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda carruurta “SAWIRRO”

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In