Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliska ciidanka booliska oo shaaciyay in lagu guuleystay tayeynta ciidanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Taliska ciidanka booliska oo shaaciyay in lagu guuleystay tayeynta ciidanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Cabdi Xasan oo ka hadlayay xuska 76 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliya oo maanta lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow ee Degmada C/casiis ayaa sheegay in booliska uu soo maray marxalado kala duwan, maantana uu marayo meel uu ku hiigsanayo xaqiijinta amniga dalka.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka booliska ay yihin lafdhabarka bulshada, shacabkuna looga fadhiyo inay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhexeyso booliska.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

“Umad waliba waxaa lafdhabar u ah ciidanka booliska, Ummadaas oo dooneysa jiritaanka dhowrista, hiigsaneysana horumar, xasilooni iyo cadaalad, haddii aanay ciidan boolis jirin, horumar, hiigsasho, xasilooni iyo cadaalad midna lama helayo” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sareeyo Guuto Cabdi Xasan ayaa daboolka ka qaaday in lagu guuleystay sidii loo tayeyn lahaa ciidanka, loona xoojin lahaa wada shaqeynta kala dhexeysa Maamulada Degmooyinka iyo shacabka

“Waxaa ciidanka la siiyaa tababaro kala duwan oo ay ku jirto ilaa iyo heer Jaamacadood, oo ay ugu faa’iideeynayaan naftooda iyo mas’uuliyadda ka saaran shacabkooda, waxaana tani ay qeyb tahay sidii loo tayeyn lahaa ciidanka booliska, si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday” ayuu yiri Taliyaha Booliska oo hadalkiisa ku daray “Waxaa horumar laga gaaray xiriirka u dhexeeya maamulada 17-ka degmo iyo saldhigyada booliska ee gobolka Banaadir oo ay u wada shaqeyn lahaayeen iyo sidii ay isugu xirnaan lahaayeen shacabka gobolka ku nool”.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Cabdi Xasan ayaa ka tacsiyadeeyay ciidamada qalabka sida ee naftooda ku waayay difaaca dalka, waxaana uu Alle uga baryay kuwa dhaawacmay in uu Alle u boog dhayo.

“Waxaan halmalyo u dirayaa Sareeyeyaasha, Saraakiisha,  Saraakiil xigeenada, Alifleyda, Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Xaasaskooda in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo Baraare” .ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.

Previous Post

Howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ka soconaya Hiiraan

Next Post

Wasaaradda Haweenka oo furtay tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda carruurta “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Haweenka oo furtay tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda carruurta “SAWIRRO”

Wasaaradda Haweenka oo furtay tababar ku saabsan ilaalinta xaquuqda carruurta “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In